Friday, October 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Doorashooyinka dadban oo ka hadlay goobta ay ka dahcayso Doorashada Xildhibaanada G.Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddiga Doorashooyinka dadban oo ka hadlay goobta ay ka dahcayso Doorashada Xildhibaanada G.Hiiraan iyo Sh/Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer qaran ayaa Maanta soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan goobta ay ka dhacayso Doorashooyinka xildhibaanada Gobolada Hiiraan iyo shabeelada Dhexe.

War-saxaafadoodkooda ayaa waxay ku sheegeen in iyaga oo xaqiijineyna xilka iyo waajibka GFHDD ee ku xusan qodobka 6aad xeerka lagu dhisay guddiga oo qeexaya “Guddiga GFHDD wuxuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta in ay si isku mid ah u dhacdo”, ayaan xoogga saareen sidii loo hubin lahaa sidii ay dalka si isku mid ah uga hirgali laheyd doorashada dadban, isla markaana si isku mar ah u dhacdo.

Related posts

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026

Guddigu waxa uu war saxaafeedka ku yiri “Annaga oo hubineyna in aanu ka hortagno caqabadaha keeni kara dib u dhac iyo habacsanaan ku timmaada qorshaha doorashooyinka dadban ayaan qaadnay talaabada uu na farayo xeerka lagu soo dhisay GFHDD qodobkiisa 8aad oo qeexaysa In aan MHQ wargalin joogta ah siinno iyo in aan waydiisanno hagid siyaasadeed ama go’aanno siyaasadeed marka loo baahdo si loo xaqiijiyo in hannaanka doorashadu uu guud ahaan u noqdo mid isku dheelitiran oo loo wada dhan yahay”.

warku waxa uu tilmaamay in GFHDD oo ogsoon xaqiiqda ah in tilmaamid la’aanta deegaanka doorasho ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, ayaa waxaan qoraal rasmi ah u gudbiyeen MHQ oo ku taariikheysneyd 5tii bisha Sebtember 2016-ka oo ay uga codsadeen MHQ:“Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waa in Madashu Go’aan ka gaarto deegaanka lagu qabanayo doorashadooda ka hor 13 Seb 2016”.

war-saxaafadeedku waxaa kale uu qoraalka hoosta uga xariiqnay in haddii go’aan siyaasadeed oo lagu xallinayo arrimaha tiirarka ah oo ay arrinta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ugu weyn tahay degdeg loo qaadi waayo ay keeneyso dib u dhac iyo habacsanaan ku timaadda jadwalka iyo qorshaha doorashooyinka dadban.

War-saxaafadeedka waxay Guddigu ku xuseen in Warmurtiyeedkii MHQ 6-12 Sebteembar 2016 hagid siyaasadeed oo lagu tilmaamayo deegaanka lagu qabanayo doorashada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe in aan lagu siin. Hase ahaatee, waxaa warmurtiyeedka ku xusan in Xukuumadda Federaalku go’aan kama dambeys ah ka gaarto arrimaha la xiriira doorashooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“GFHDD asagoo gudanaya xilkiisa iyo waajibaadkiisa ku qeexan xeerka lagu dhisay ee na faraya la shaqaynta odayaasha 135ta ayaa taariikhdu markey aheyd 25/09/16, fududeeynay kulan dhexmaray madax dhaqameedyada Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo ay ka soo qeyb galeen 16 oday oo ka mid ah 17-ka oday dhaqameed ee labada gobol. Wadahadalka madax-dhaqameedyada, waxay isla qaateen aragti qeexaysa inay raalli isugu yihiin in doorashada xildhibaaannada labada gobol ka dhacdo magaalada Muqdisho oo ay u arkaan goob dhexdhexaad ah”ayaa war saxaafadeedka lagu yiri.

Guddiga GFHDD ka dib markuu dhagaystay afkaartii odayaasha dhaqanka ee kulankaas joogay waxuu guddigu la wadaagay MHQ iyo dadweynaha Soomaaliyeed, sidaa awgeed guddiga GFHDD wuxuu mar kale caddeynayaa inuusan go’aan ka gaarin goobta doorasho ee gobollada ujeedada ku xusan, balse ay ahayd aragti oday dhaqameedyadu ku cabbireen kulanka aan kor ku soo xusnay.

“Iyadoo jadwalka doorashooyinka dadban uu mar kale ciriiri sii galayo, sida uu tilmaamayo warmurtiyeedkii MHQ ee 6-12 September, ka go’aan gaarista arrimaha doorashooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxay MHQ u xilsaartay Xukuumadda Federaalka ah. Haddaba si GFHDD u guto xilkiisa iyo waajibkiisa kor ku xusan ee xaqiijinta in doorashooyinku si isku mid ah dalka uga dhacdo, waxaan si degdeg ah Xukuumadda Federaalka uga sugaynaa:
1. Ka go’aan gaarista goobta ay ka dhacayso doorashooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe;
2. Hannaanka soo magacaabidda iyo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Guddigu waxa uu mar kale hoosta ka xariiqeynaa in go’aan ka gaarista la’aanta arrimaha siyaasadeed ee ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo Somaliland aan laga gaarin go’aanno lagu xalliyo in ay mar kale sabab u noqon karto habacsanaan iyo dib u dhac ku yimaada doorashooyinka dadban, iyadoo mas’uuliyadeedu yeelan doonin GFHDD.

Ugu dambeyn, wuxuu GFHDD u xaqiijinayaa in talaabooyin wax ku ool ah laga gaaray hirgelinta doorashooyinka dadban, taas oo lagu gaaray dadaalladii sida wadajirka ah ay u qaadeen guddiyada heer Federaal iyo Dowlad-Goboleed oo kaashanaya DFS, Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka, MHQ, iyo saaxiibada beesha Caalamka. waxa soo muuqata gaarista himilada ummadda Soomaaliyeed ee ay ku dooranayaan mas’uuliyiinTa hoggaamin lahaa siyaasadda dalka.

GFHDD waxa uu uga mahadcelinayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kuna ammaanayaa sida ay u garab taagan yihiin guddiyada doorashooyinka dadaallada ay ku hirgelinayaan qorshaha doorashada dadban ee 2016.

Previous Post

Madaxweynaha: “ Waxan Baydhabo u joogaa inaan dardar-geliyo hawlaha doorashada 2016 iyo xaqiijinta qoondada haweenka’’

Next Post

Booliiska oo howlgal dad lagu soo qabtay ka fuliyay degmada Kaaraan+Sawirro

Next Post
Booliiska oo howlgal dad lagu soo qabtay ka fuliyay degmada Kaaraan+Sawirro

Booliiska oo howlgal dad lagu soo qabtay ka fuliyay degmada Kaaraan+Sawirro

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In