Saldhiga Ciidanka Boliiska ee Degmada Kaaran ayaa lagu soo bandhigay 3 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay dhac u geysanayeen shacabka ku nool degmada Kaaran ee Gobalak Banaadir,
Taliyaha Saldhigga Boliiska ee Degmada Kaaran Cabdifitaax Sabriye Hasan ayaa warbaahinta u sheegay in raggan lagu soo qabtay howlgal ay ciidanku sameeyeen oo lagu xaqiijinayay amniga degmadaasi.
βshaqsi ka mid ah dadka dhaca loo geysray ayaa saldhiga la soo xariiray sidaas ayey ciidanka Boliiska howlka u fuliyeen inkastoo uu dhaawac soo gaaray ciidanka iyo dad shacab ah balse nasiib wanaag gacanta ayaan ku soo dhignay kooxdi burcadka aheydβ ayuu yiri taliyaha booliiska degmada Kaaraan.
Guddoomiyaha Degmada Kaaran Cumar Meyre Macow ayaa dhankiisa digniin adag u diray dadka ku howlan in ay dhac u geystan hantida shacabka.
βMaamulka Degmada iyo kan Gobalka waxaa naga goβan inaan gacan adag ku qabano oo aan ciqaab marsiino tuug nacaska dhibaatada ku haaya dadka rayidka ahβ ayuu yiri gudoomiyaha degmada Kaaraan.
Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa ugu baaqay waalidiinta ay caruurtoda ka ceshadaan falalka xun xun,
Xalane ayaa yiri βwaxaa dhacda markii qof burcad ah lasoo xiro in ay dad ka dabayimaada iyagoo qill u yeelayay caruurtooda marka waxaan kula dar daarmaya in aysan faraha lasoo galin shaqada laamaha amnigaβ.

















