Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Aragga Adduunka oo laga xusay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Maalinta Aragga Adduunka oo laga xusay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu maamuusayey maalinta araga aduunka oo ku beegan maanta ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana  ka qayb galay wasiirro xildhibaanno xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka maaamulka iskuulka ardayda aragga la’ ee Al-basiir oo xaflada soo qaban qaabiyey.

Inta ay munaasabada socotay ayaa ardayda araga la’ waxay ku soo bandhigeen riwaayad ka tarjumaysay hamiga dheer ay ka leeyihiin in ay horumar ka sameeyaan waxbarashada dalkana ay wax u qabtaan.

Related posts

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026

Maamulaha iskuulka Al basiir  Abiikar Xuseen Bashiir ayaa munaasabada ka sheegay in ay gacanta ku hayaan 44 arday oo arag la’ una baahan in lagu caawiyo sidii ay wax u baran lahaayeen.

Gudoomiayaha hay’ada culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salad ayaa dowlada inta wax haysata u soo jeediyey in ay aaad u taageeraan dadka aragga la’ si aan niyadda laga jabin.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in uu  dadaalkiisa isugu geen doono  qaabkii xukuumada iyo baarlamaanka u meel marinta sharciga naafada.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa soo jeediyey in dowladda laga rabo sidii looga heli lahaa  doorka ay ka qaadanayso wax u qabadka naafadda qaybaheeda kala duwan.

Wasiir ku xigeenka wasarada waxbarashada Xaamud Cali Xasan ayaa  balan qaaday in wasaradda ay diyaar  la tahay bixinta dhul ay wax ku bartaan dadka aragga la hase ahaatee loo bahanyahay in la helo ciddii dhisi lahayd.

Ugu dambeen wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Saalax Sheekh Cismaan oo soo xeray munaasabada ayaa ka sheegay in arday Soomaaliyeed wax waliba oo ay u baahdaan laga rabo dowlada Soomaaliya.

Previous Post

Baarlamannada Afrika iyo Carabta oo kulan ku yeeshay dalka Masar+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha oo u hambalyo u diray Guddoomiyaha baarlamanka maamulka cusub ee HirShabeelle

Next Post
Madaxweynaha dalka oo kahadlay caqabadaha hortaagan dalalka qaaradda Afrika

Madaxweynaha oo u hambalyo u diray Guddoomiyaha baarlamanka maamulka cusub ee HirShabeelle

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026
0

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo oo laga gaaray horumarinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In