Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka maamulka Koofur Galbeed ayaa Gacanta ku dhigay Miiniste Al Shabaab ah iyo Qaraxyo uu Diyaariynayay oo uu doonayey in dadka Muslimiinta ah uu ku halligo.
Ciidanka Nabadsugidda maamulka K/Galbeed ee Baydhabo Maalmahan waxa ay wadeen Howlgallo ay ku baadigoobayeen dhagar qabiyaal ka tirsan Shabaab oo Doonaya in ay carqalideeyaan Habsami u socodka Doorishooyinka ka dhacaya deegaanada Koofurgalbeed.
Waxaana Ciidanka u suurtagashey in ay gacanta ku soo dhigaan Nin diyaariyey Qaraxyo Dhowr ah Islamarkaasna Ciidanka muddo ay Dabajoogeen kadibna ay Qabteen isga oo Miino ku aasaya Iradka hore ee Guri uu Daganaa Taliyaha Ciidanka Policka Gaarka ah ee KG.
Ninka oo aan Wali Muuqaalkiisa loo soo bandhigin Warbaahinta ayaa la sheegay in uu ahaa dhaqarqabaha diyaariya Qaraxyada lagu dhajiyo Gaadiidka iyo kuwa Rumuudka loo isticmaalo.
Waxaana alaabtaasi Dhamaanteed Lagu soo bandhigay taliska Ciidinka Midawga Afrika ee AMISOM ee Magaalada Baydhabo.