Saturday, August 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabad shirkad gaar ah loogu wareejinayay nadaafadda caasimadda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray shirkadda nadaafadda deegaanka ee ECCO oo ah shirkad gaar loo leeyahay, waxaana sidoo kale munaasabaddaasi ka qeyb-galay duqa Muqdisho, wasiirro, xildhibaanno, maamulka shirkadda, saraakiisha ciidanka, qaar ka mid shaqaalaha shirkaddaasi iyo  fannaaniin.

Cabdi-xakiim Yuusuf Xasan oo ah  maamulaha guud ee shirkadda ECCO, ayaa sheegay  in u jeedadu ay tahay sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dadka gobolka Banaadir, isla markaana looga qeyb-geli lahaa horumarka caasimadda.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

August 29, 2026
Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026

Guddoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, C/kariim Maxamuud Gabeyre, ayaa soo dhoweeyey shirkaddaan ka shaqeyn doonta nadaafadda deegaanka,isagoo tilmaamay in  ganacsatada Soomaaliyeed ay u gudbeen horumarinta dalka iyo degnaanshihiisa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, ayaa sheegay  in u jeedada shirkaan loo siiyey mashruuca dhanka nafaadadda ah ay tahay horumarinta caasimadda, waxa uu ballan qaadey in ay gacan siin doonaan, isla markaana lagula xisaabtami doono shaqada ECCO.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Fargeeti, ayaa soo dhoweeyey mashruucaan  ballaaran ee ECCO, waxa uu xusay in dhowaan ay shirkad gaar ah siin doonaan bixinta Leysinka baabuurta.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu horreyn ku boggaadiyey dowladda hoose ee Xamar tallaabada ay u qaadey dhiiragelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo mashruuca nadaafadda gobolka Banaadir ee ECCO la siiyey, waxa uu sheegay madaxweynuhu in waajib ay tahay gacan siin shirkadda ECCO oo ka howlgeli doonta horumarinta nadaafadda caasimadda, hey’addaha dowladda oo dhanna waxa uu faray in ay la shaqeeyaan shirkaddan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay maalgelinta ay ganacsatada Soomaaliyeed ku sameysanayaan dalkooda, waxa uu ugu yeeray kuwa kale in ay sidaan oo kale u maalgashadaan dalkooda, dowladda Soomaaliyeedna ay mar walba diyaar u yahay in ay boggaadiso lahaanshaha gaarka ah.

Shirkadda ECCO waxa ay soo bandhigtay Qalabka iyo shaqaalihii ku shaqeyn lahaa mashruuca weyn ee u shaqeyn doona hababka casriga ah, si caasimadda Soomaaliyeed ay hormuud ugu noqoto caasimadaha caalamka dhinaca nadaafadda, waana  fursad ay ganacstada siisay dowladda madaxweyene Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaamiyo.

 

Previous Post

Maamulada Galmudug iyo Puntland oo Guddi u saaray Colaadda Gaalkacyo

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Abdulfatah Kasim Mohamud ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu daahfuray...

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In