Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa siminaar uga furay Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo loo sooxuley inay ilaaliyaan ammaanka Goobaha Doorashooyinka.
Xafladda tababarka lagu furayay ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska, iyadoo Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud uu saraakiisha kula dar daarmay inay ka faa’iideystaan siminaarka.