Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad ka jeediyey xafladii caleema saarka ee madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa waxa uu fariin baaq ah u soo jeediyey gudiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.
Madaxweyanaha ayaa ugu baaqay gudiga doorashooyinka in ay xooga saaraan sidii ay doorashada ugu dhici lahayd waqtigii loogu tala galay waxa uuna xusay in aysan dowlada federaalka ah ee Soomaaliya aysan marnaba raali ka ahayn in ay hal maalin dib uga dhacdo doorashada xiligii loogu talagalay.
Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hambalyo iyo bogaadin usoo jeediyey Gudigayada doorashooyinka dadban heer qaran iyo heer gobolba waxa uuna ku aamaay dadaalka xoogan ee ay ugu jiraan sidii ay waqtigii loogu talagalay ugu dhici lahayd doorashooyinka dalka.
Gudiga doorashooyinka ayaa ku guuleysatay soo xulista inta badan xubnihii ka mid noqon lahaa aqalka sare ee dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.