Dhalashadii Dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dhismihii Golihii Sharcidejinta Soomaaliya.
Gobolladii Woqooyi Dalka Soomaaliyeed ee loo yiqiin “British Somaliland” oomadaxbannanidiisa helay 26-ka Juun 1960, wuxuu 1-dii Luuliyo 1960-kii la midoobay Gobolladii Koofurta Soomaaliya oo ku jiray Wasiyadda {dardaaaranka} Qarumaha Midoobay, Midowga labadooda waxaa ku dhismay Jamhuuriyadda Soomaaliya oo madaxbannaan.
Sida ku cad Sharciga Lam 5 ee 31 Jannayo 1961 oo ah sharciga Soomaaliya oo madaxbannaan ku midowaday, Golihi Qaranka ee ugu horreeyey ee Soomaaliya wuxuu ka koobnaa 123 xildhibaan, oo ah wadrata: Sagaashan (90) Xildhibaan oo ka yimid Golaha Qaranka ee Koofurta Soomaaliya, oo la soo doortay 1959 – iyo soddon iyo saddax (33) xildhibaan ka yimid Golaha Sharcidejinta ex British Somaliland oo ahaa xildhibaanadii la soo doortay1960, sidaana waxaa ku sameysmay Golihii Sharcidejinta 1aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana loo yaqiin“Assemblea Nazionale/National Assembly” (ama Golaha Sharcidejinta Qaranka), astaanta lagu gartona ahayd xarfaha A.N. oo guduudan.
Golahan Sharcidejinta 1aad ee Jamhuuriyadda ayaa si Ku-meel-gaar ah u ansixiyey Dastuurkii 1960kii una diray in Shacbigu ku ansixiyo Afti Qaran, wuxuuna Golahan isla markaa M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan u doortay in uu noqdo Madaxweynihii 1aad ee Soomaaliyeed ee Madaxbannaan.
Natiijada Doorashadii Madaxweynaha Ku-meel-gaar ah ee Soomaaliya – Luulyo 1960kii
Waxaa dooranaayey: Golaha Xildhibaannada Qaranka (Assemblea Nazionale /National Assembly) Tirada Xildhibaannada fadhiyey ee codeynayey waxay ahaayeen 115 Xildhibaan
Wareeg |
Codadka aamusay ama xumaaday: |
Cododka ansaxay: |
Wadarta Cododka |
Wareega Koowaad |
8 |
107 |
115 |
Magaca Musharraxa |
Wareegga 1-aad |
Wareegga 2-aad |
Wareegga 3-aad |
M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan |
107 |
0 |
0 |
FG. Sida uu qabey qoddobka 71 (1) ee Dastuurka 1960kii M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan oo wagaas ahaa 45 jir wuxuu noqday Musharraxa kaliya ee buuxiyey da’da dastuuriga ah ee lagu noqonayey Madaxweyne, wuxuuna markaa hayey xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka. Madaama uusan jirin musharax kale oo usoo istaagay tartanka Madaxweynimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, buuxiyeyna sharuudihii dastuuriga ahaa, isagaas ayaana loo doortay Madaxweyne muddo hal sanno oo gaarsiin ah taniyo inta afti dadweyne lagu ansixinayo Dastuurka cusub ee 1960kii.
Aftida Qaranka: Meelmarinta Dastuurka 20-ka Juun 1961.
Dastuurkii 1da Luuliyo 1960kii, oo Golahii Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliya sida ku-meel-gaarka u ansixiyey, waxaa 20kii Juunyo 1961 lagu meelmariyey afti qaran oo loo bandhigay Shacbiga Jamhuuriyadda. Natiijada rasmiga ahana waxaa ansaxiyey kuna dhawaaqay Maxkamadda Sare. Natijada codeyntii shacbiga oo kooban waxay noqotay sida halkan hoose ku qoran, ayadoo faahfaahsanna arag lifaaqa:
Koobniin Natiijadda Aftida Qaran 1961 loo qaaday Dastuurkii 1960kii |
Tirada Codbixisay |
Tirada Doortayaasha Codbixisay |
1,948,348 |
Inta oggolaatay Dastuurka |
1,756,216 |
Inta diiday Dastuurka |
183,000 |
Xaanshiyaha xummaaday |
9,132 |
Codeynta aftida qaran ansixinta dastuurka oo faahfaahsan
Juun 1961
X/T |
Gob. Banaadir |
Goob cod bixin |
Haa |
Maya |
Muqdisho |
155 |
26,804 |
15,217 |
|
Marka |
151 |
87,443 |
10,601 |
|
Baraawe |
132 |
70,911 |
1,599 |
|
Afgooye |
134 |
77,627 |
895 |
|
Wanlewayn |
130 |
68,994 |
– – – |
|
Jawhar |
140 |
83,414 |
4,234 |
|
Balcad |
131 |
38,461 |
12,553 |
|
Aadan Yabaal |
136 |
68,354 |
3,684 |
|
X/T |
G/Jubada Hoose |
Goob cod bixin |
Haa |
Maya |
Kismaayo |
130 |
40,302 |
4,640 |
|
Jamaame |
134 |
60,975 |
2,692 |
|
Afmadow |
120 |
34,469 |
1,442 |
|
Jilib |
155 |
26,804 |
15,217 |
|
X/T |
Gobolka J/sare |
Goob cod bixin |
Haa. |
Maya. |
Baydhabo |
150 |
114,441 |
213 |
|
Buur Hakaba |
141 |
87,351 |
97 |
|
Luuq |
132 |
70,105 |
543 |
|
Xuddur |
131 |
65,883 |
124 |
|
Diinsoor |
127 |
60,147 |
369 |
|
Baardheere |
129 |
53,831 |
1,156 |
|
X/T |
Gobolka Hiiraan |
Goob cod bixin |
Haa. |
Maya. |
Beledwayne |
134 |
6,930 |
9,359 |
|
Buula Burde |
137 |
7,366 |
14,194 |
X/T |
Gobolka Mudug |
Goob cod bixin |
Haa. |
Maya. |
||
Gaalkacyo |
130 |
43,476 |
9,658 |
|||
Dhuusamareeb |
126 |
23,098 |
2,589 |
|||
Ceelbuur |
131 |
52,598 |
3,589 |
|||
Hobyo |
126 |
29,716 |
2,519 |
|||
X/T |
G Majeerteeniya |
Goob cod bixin |
Haa. |
Maya. |
||
Boosaaso |
120 |
29,169 |
12,308 |
|||
Qandala |
120 |
42,035 |
1,924 |
|||
Caluula |
124 |
54,641 |
44 |
|||
Iskushuban |
130 |
63,298 |
4,484 |
|||
Qardho |
135 |
78,190 |
2,198 |
|||
Eyl/Garowe |
140 |
78,876 |
4,977 |
|||
No. |
Gobolka Hargaysa |
Goob cod-bixin |
Haa. |
Maya. |
||
Hargaysa |
143 |
10,449 |
27,087 |
|||
Berbera |
117 |
2,220 |
5,231 |
|||
Boorame |
125 |
14,380 |
522 |
|||
No. |
Gobolka Burco |
Goob cod-bixin |
Haa. |
Maya. |
||
Burco |
126 |
6,427 |
12,868 |
|||
Laascaanood |
118 |
12,090 |
2,553 |
|||
Ceerigaabo |
123 |
3,950 |
6,019 |
FG. Codeynta Aftida Qaran waxaa cabashooyin ka soo jeediyey Degmooyinka Marka, Afgooye, Beledwayne, Dhusa-marreeb iyo Ceel-Buur, iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee G.L.S, S.N.L. iyo U.S.P. cabashooyinkaasi waxaa 4tii Luulyo 1961 go’aan ka gaartay Maxkamadda Sare oo ansixisay natiijadda kor ku xusan.
Waxaa xusid mudan in tirabuurta diiday dastuurka cusub waxay u badnaayeen dadkii waagaas degannaa Gobollada Woqooyi Jamhuuriyadda ee Ex-British Somaliland iyo Gobolka Hiiraan. Waxaase aqlabiyad aad u ballaaran ku ansixiyey, dastuurka cusubna ku oggolaaday dadkii Soomaaliyeed ee ku nolaa Gobollada dalka intiisi kale.
La Soco Qeybta 3aad Insha Allah