Shirkadda Intifaac oo ah shirkad ka shaqeysa arrimaha qaadista canshuuraha dhulalka iyo guryaha oo ay gacan ku siiyaan howlwadeenada dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka warbixisay howlaha u qabsoomay mudadii ay shaqeynayeen.
Ciise Cabdulle Yallaxow oo ah Madaxa xiriirka bulshada ee shirkadda ayaa tilmaamay inay wada shaqeyn la leeyihiin dowladda Hoose ee Xamar, isla markaana ay howlwadeenada iyo shaqaalaha kale ka caawiyaan hanaanka qaadista canshuuraha dhulalka iyo guryaha.
“Inta badan lacagaha laga qaado guryaha iyo dhulalka waxaa lagu qabtaa dhismaha xarumaha danta Guud ee dowladda, iyadoo ay ku jirto dib u dhiska waddooyin muhiim ah oo ay dowladda Hoose dhistay, waxaana ku rajo weynahay in shaqada ay noqoto mid wax weyn u tarta guud ahaan bulshada Soomaaliyed” ayuu yiri Ciise.
Shirkadda Intifaac waxa ay dowladda Hoose ka caawisaa:
- Shirkadda Intifaac Modern Technology oo ah shirkad ka saacideysa howlaha farsamo ee qaadista canshuuraha qeybta Dhulalka iyo Guryaha ee Dowlada Hoose Xamar
- Shirkadu Waxay shaqaaleysiisay dhallinyaro tayo leh oo heer Jaamici ah,
- Shaqada Dowlada Hoose oo loo badalay qaab casri oo Digital ah.
- Fursad siinta dhallinyarada waxbaratay oo ay shaqaaleysiisay ku dhawaad 100 qof.