Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaxooti Soomaali ah oo laga soo daadgureeyay Caden

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Qaxooti Soomaali ah oo laga soo daadgureeyay Caden
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

-Qunsuliyada Guud ee Caden oo in mudda ah ku hawlanayd diiwaan galinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku Go’doomay dalka yemen, oo ay ka bilowdeen dagaallo tan iyo horaantii 2015, ayaa ku guulaysatay inay maanta ka dekedda Caden kasoo daadgureyso qaxooti kor u dhaafaya 200, kuwaas oo isugu jira qoysas wata caruur, dad waayeel ah, dhalliyaro gabdho iyo wiilal leh, kadib markii ay go’aansadee in iyagoo raali ah ay dib ugu noqdaan dalkooda hooyo.

Qunsuliyada oo kaashanaysa hay’adda Qaxootiga Qaranka Soomaaliyeed iyo hayadda IOM ayaa ku guulaysatay qaaditaanka qaxootigan oo mudo dheer ku xanibnaa magaalada Caden ee dalka Yemen .

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee laga Soo Daadgureeyay Magaalada Caden oo badankoodu ka soo jeedo gobollada Waqooyi ee soomaaliya ayaa la filayaa in maalmaha nasoo aaddan doonida ay la socdaan ay ku xirato dekeda Berbera, halkaas oo ay ka sii aadi doonaan deegaanada ay hore uga soo qaxeen.

Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya cadan mudane Axmed Cabdi Xassan Axmed Suudaan ayaa si gaar ah uga mahad celiyey dhinacyadii  ka qayb qaatay suurto galinta  barnaamijka lagu celinayo qaxootiga soomaaliyeed ee ku go’doomay dagaalada dalka yemen.

Mudane Axmed Suudaan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dadaalada dalka dib loogu soo celinayo qaxootiga soomaaliyeed ee wali ku sugan dalka yemen una baahan in si nabad ah ay dalkooda hooyo ugu noqdaan,  kuwaas oo badankood ka soo jeeda gobolada koofurta Soomaaliya.

Qunsulka guud aee Caden ayaa hore u hirgaliyey dadaalo lagu samata bixinayey qaxootiga soomaaliyeed ee yemen ku go’doonsanaa, kuwaas oo badankood laga soo daadgureeyay dekeda Mukalla ee dalka Yemen. .

Previous Post

Dhageyso barnaamijka faaqidaada wararka

Next Post

Hillary Clinton oo lagu waayay eedeymo loo soo jeediyay iyo FBI-da oo soo afjartay baarista

Next Post
Hillary Clinton oo lagu waayay eedeymo loo soo jeediyay iyo FBI-da oo soo afjartay baarista

Hillary Clinton oo lagu waayay eedeymo loo soo jeediyay iyo FBI-da oo soo afjartay baarista

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

July 30, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee magacaabista ergeyga Soomaaliya ee...

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In