Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kismaayo iyo Baydhabo oo lagu soo gabagabeeyay wajigii 1aad doorashada Aqalka hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 8, 2016
in Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA:- Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Ee Baydhabo Ka Bilaabatay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Doorashada xubnaha Aqalka hoose ee Baralamanka Soomaaliya u matalaya Dowlad goboleedyada Koofur-galbeed Jubba-landa ee ka socotay Baydhabo iyo kismaayo qaybteedii 1aad ayaa la soo gabagabeeyay.

Magaalada Baydhabo oo maanta lagu doortay Illaa 7- xildhibaan oo xubnaha aqalka hoose u matalaya maamul goboleedka Koonfur /galbeed waxaa ka mid ah, Max’ed . Cismaan.Sh.Jawaari,Fowsiya Max’ed Sheekh, Ibraahim isaaq Yaroow,Daahir Cabdi(Dr.GO), Shariif Max’ed Cabdalla,C/wahaab ugaas iyo C/qaadir Shariif.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Dhanka kale Magaalada Kismaayo wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in saddex dumar ah ay ka mid ahaayeen doorashadii aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ee qeybteeda 1-aad maanta lagu qabtay halkaas.

Maryan Aweys Jaamac, Luul Cabdi iyo Xamza Sheekh Xuseen ayaa ka guuleystay xubnihii kale ee la tartamayey, iyadoo Doorashadaan loogu baratamayo xubinnimada Aqalka Hoose ay horay ugu soo baxeen Xildhibaanada kala ah Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo hadda ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, Eng. C/casiis C/llaahi Yuusuf, Cismaan Libaax iyo C/llaahi Yuusuf Alankey.

Waxaa si dar dar leh uga socda Xarumaha maamul goboleedyada dalka doorashada aqalka hoose ee dalka, doorashada saddexda dumarka ahna waxay ifafaale wanaagsan u tahay in Haweenka Soomaaliyeed ay ku guulaysan doonaan hanashada Qoondada boqolkiiba Soddanka ah ee looga qorsheeyay labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee dalku uu yeelanayo.

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA:- Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Ee Baydhabo Ka Bilaabatay

Next Post

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 9aad” Akhriso+Dhageyso

Next Post
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 8aad” Akhriso+Dhageyso

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 9aad” Akhriso+Dhageyso

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In