Wednesday, September 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo kormeeray Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 9, 2016
in Wararka
0
Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo kormeeray Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ee ku yaala Waqooyi Bari ee Dalka Kenya ayaa waxaa shalay kormeer shaqo ku tegay Ergayga gaarka ah ee Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR ee u xil saaran arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed Danjire Maxamed Cabdi Afeey.

Ujeedada safarkiisa shaqo ayaa aheyd sidii uu ugu kuurgali lahaa xalaadda nololeed ee ka jirta Xeryahaasi,waxa uuna soo kormeeray xerada Qaxootiga ee Xagar-dheer, isagoo si gaar ah u booqday Cisbitaalka weyn xeradaasi, waxaana uu halkaasina ku soo indha indheyay meelaha Dadka bukanka ahi ay jiifan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

September 17, 2025

Danjire Afeey waxaa kaloo uu booqday Xafiska hey’adda UNHC ee Xerada Xagar-dheer, kadib waxa uu Xarunta hey’addaasi ee Degmada dhadhaab kula kulmay Gudiga Xeryaha Qaxootiga ee dhadhaab, isagoo sheegay in dhawaan loo magacabay Eryga gaarka ah ee hey’adaasi u xilsaran arrimaha Qaxootiga Soomaaliyed ee Gobolka.

“Waxaan dhawaan booqday xeryaha qaxootiga ee Dalka Jabuuti ayna ku jiraan Qaxooti Soomaaliyeed maantana dhadhaab ayaan joogaa, berrina waxaan aadi doonaa Dalka Ugandha waxaa xiga oo aan taki Wadamada Itoobiya iyo Yemen” ayuu yiri Danjire Afeey.

Ergayga gaar ah ee u xlisaaran arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa waxa uu ugu dambeyntii sheegay in uu ku dadaali doono sidii wax looga qaban lahaa xaalada Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Dalalkaasi,isagoo xusay in uu kala hadli doono Wadamadaasi qaxootiga ay hayaan inta soomaaliya ka xasilaaneeyso, ciddii doontana ay iskeed u noqon karto.afey1afey2afeyafey5afey1

Previous Post

Doorashada Aqalka Hoose oo markale ka bilaabaneysa Kismaayo iyo Baydhaba

Next Post

Donald Trump oo ku guuleystay Xilka Madaxtinimo ee dalka Mareykanka

Next Post
Donald Trump oo si rasmi ah loogu doortay in uu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga

Donald Trump oo ku guuleystay Xilka Madaxtinimo ee dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

September 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa U Adkeysiga Afooyinka ee Midowga Yurub,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

September 17, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka wada hadlay...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka XDS

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka XDS

September 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In