Sunday, August 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Yurub oo DFS ka caawinaya bixinta Mushaaraadka Ciidanka Boliiska

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergayga Midowga Yurub u qaabbilsan Dalka Soomaaliya, Ambassador Veronique Lorenzo, ayaa sheegtay inay 6,800 Boliis ah oo isugu jirta Rag iyo Haween ay Todobaadkan siin doonaan Mushaar heerkiisu sarreeyo.

Mss: Lorenzo; ayaa sheegtay inay masuuliyadda Mushaar bixinta tooska ah saaran tahay Dowladda,haddana ay tani ula jeedaan dhiirri gelinta Ciidamada Boliiska si ay u kordhiyaan howlaha Ammaanka, Sharciga iyo Kala-dambaynta.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

August 16, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka tababar ugu soo xiray Galgaduud

August 16, 2026

Danjiraha, ayaa intaasi ku dartay inay Mushaaraadkan Midowga Yurub ka bixin doonaan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo si toos ah loogu shubayo Xisaab-lacageedka Bankiga ee ay Saraakiisha Boliiska Soomaaliyeed ku leeyihiin.

“Tallaabadaasi ayaa noqon doonta mid fudud, degdegsiimo leh oo aad u hufan” ayey tiri Danjiraha Midowga Yurub u qaabbilsan Soomaaliya Mss: Veronique Lorenzo.

Waxayna intaasi ku dartay in nidaamkan cusub uu taageeri doono Horumarka Boliiska iyo Ajendaha dib loogu habaynayo Laamaha Ammaanka iyo in la dhiso Maamul hufan oo ay yeeshaan waaxaha kala duwan ee ammaanka Dalka u xil saaran.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Midowga Yurub, ayaa dhowaan soo bandhigtay hab cusub oo ay Mushaaraadkooda ku qaadan doonaan Ciidamada Boliiska, iyadoo wejiga hore lagu tijaabin doono qaybo ka mid ah Laamaha ammaanka Dalka.

Previous Post

Wejigii Saddexaad ee doorashooyinka Aqalka hoose Jubbaland oo Maanta lasoo gabagabeeyay

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka tababar ugu soo xiray Galgaduud

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dugsiga Xananbuure ee...

Hay’adda NISA oo war kasoo saartay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka NISA oo hawlgal ku dilay horjoogeyaal ka tirsanaa Khawaarijta

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo 12-kii Agoosto 2026 ka...

Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta

Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska “50 Guurada” ka soo wareegtay markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In