Mas’uuliyiin ka socda Wasaaaradda Diinta Awqaafta, Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Qeybaha Bulshada Sida: Culuma’udiinka, haweenka dhallinyarada iyo Ardayda Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ayaa maanta sameeyey Banaanbax Roob-doon ah oo Alle looga baryayay in uu Ummadda Soomaliyeed ka dulqaado Abaaraha iyo Colaadaha ka jira qaar ka mid ah goballada Dalka.
Dadka soo dibadbaxay ayaa Salaad Alla Bari ah ku tukaday Masjidka isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho. waxaana Salaada kaddib loo duceeyay dhammaan Ummadda Soomaliyeed in uu Alle ka dulqaado dhibaatada.
Sheekh Cali Max’uud (Sheekh Cali Dheere) oo warbaahinta Qaranka lahadlay ayaa ugu baaqay shacabka iney jogteeyaan dibadbaxyada Alla bariga ah ee noocaan oo kale ah.
“Dhammaan gobollada dalka waan la wadaagnay iney sameeyaan dibadbaxan oo kale, si Ilaahay uu dhibaatooyinka abaaraha iyo colaadaha uga dulqaado shacabka Soomaaliyeed”
Ciidammada Ammaanka ayaa si weyn u adkeeyey amniuga goobta dibadbaxa Roobdoonka lagu sameeyey waxaana faahfaahin ka bixiyey Taliyaha qeybta Waliyow Cade ee Degmooyinka Waabari Xamar Jabjab Howl wadaag iyo Hodan Ciidanka Boliiska Soomaliyed G/Sare Maxamed Daahir.
“Ciidamada ammaanka waxay xil gaar ah iska saareen sugidda amniga, maadama ay dibadbaxayeen qeybaha bulshada, si weyn ayaana ugu guuleysanay”
Qaar kamid ah Gobalada dalka ayaa waxaa xilgan kajira abaaro galaaftay nolasha dadka iyo duunyada iyo colaado sokeeye, waxaana dhanka kale socda dadaallo ay isku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed.