Saturday, June 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-Saxafadeed laga soo saaray Wadahadallada Nabadeed ee ka socda Gaalkacyo+Akhriso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
War-Saxafadeed laga soo saaray Wadahadallada Nabadeed ee ka socda Gaalkacyo+Akhriso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa shalay dib u billaabay wadahadalkooda ku aaddan hirgelinta xabbadjoojinta magaalada lagu muransanyahay ee Gaalkacyo iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wakiillo ka socday Beesha Caalamka.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa waxaa weheliyay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Lydia Wanyoto, Axmed Jire  oo ka socday Urur Goboleedka IGAD.

Related posts

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026

Waxay la kulmeen hoggaanka dhaqanka, odayaasha beelaha, iyo dhallinyarada labada dhinac ee isku haya magaalada Gaalkacyo, si ay u dhegeystaan dareenkooda iyo soo jeedintooda, oo ay ka midyihiin sababaha asalka u ah colaadda Gaalkacyo, arrimaha keena inuu sii socdo iyo habka lagu heli karo nabad waarta.

Nabad aan xoog lahayn ayaa ka jirtay magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda toddobaadkii tagay. Waxaa la sameeyay guddi wadajir ah oo ka kooban 18 xubnood si ay ula socdaan hirgelinta xabbadjoojinta, wadahalkuna hadda wuu socdaa, si la isugu afgarto hab dibuheshiisiin.

Wadahadallo qotodheer, oo uu horkacayo Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, ayaa u socda madaxweynayaasha labada dowlad goboleed, si ay ugu heshiiyaan arimaha asaaska u ah in labada ciidan la kala qaado iyo hanaan lagu hirgeliyo laguna hubiyo xabbad joojinta.

“Hanaan xabbad joojin iyo kala qaadidda labada ciidan ayaa muhim u ah xallinta colaadda” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Michael Keating. “Cidna wax ka dheefi mayso in dagaal dib u billowdo, shacabka ku nool magaalda, dadka ku nool degaanada deriska ah, dadka barakacayaasha ah, carruurta iyo ganacsatada intuba waxaa soo gaaraya dhibaato dheeraad ah. Cidda keliya ee ka macaashaysa dagaal dib u billowda waa qaswadayaasha xagjirka ah. Waxaa loo baahanyahay xabbad joojin si loo yeesho wadahadal lagu xalliyo arrimaha salka u ah colaadda, wadahadalkaasoo ka dhaca magaalada Gaalkacyo oo ay horseed ka yihiin madaxda degaanka, bulshada rayidka iyo ganacsatada, iyo weliba heer qaran.”

Previous Post

Wajiga Koowaad ee doorashada aqalka Hoose oo ka socoto Jowhar iyo Xildhibaanno la doortay

Next Post

Gudoomiyaha Baydhabo oo tababar u soo xiray dhalinyaro+Dhageyso

Next Post
Gudoomiyaha Baydhabo oo tababar u soo xiray dhalinyaro+Dhageyso

Gudoomiyaha Baydhabo oo tababar u soo xiray dhalinyaro+Dhageyso

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ku beegan 27-ka Juun, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay u dabbaaldegaysaa sannad-guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu...

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In