Sunday, January 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-Saxafadeed laga soo saaray Wadahadallada Nabadeed ee ka socda Gaalkacyo+Akhriso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
War-Saxafadeed laga soo saaray Wadahadallada Nabadeed ee ka socda Gaalkacyo+Akhriso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa shalay dib u billaabay wadahadalkooda ku aaddan hirgelinta xabbadjoojinta magaalada lagu muransanyahay ee Gaalkacyo iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wakiillo ka socday Beesha Caalamka.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa waxaa weheliyay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Lydia Wanyoto, Axmed Jire  oo ka socday Urur Goboleedka IGAD.

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Jilib Marka

Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Jilib Marka

January 3, 2026
Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra’iil

Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra’iil

January 3, 2026

Waxay la kulmeen hoggaanka dhaqanka, odayaasha beelaha, iyo dhallinyarada labada dhinac ee isku haya magaalada Gaalkacyo, si ay u dhegeystaan dareenkooda iyo soo jeedintooda, oo ay ka midyihiin sababaha asalka u ah colaadda Gaalkacyo, arrimaha keena inuu sii socdo iyo habka lagu heli karo nabad waarta.

Nabad aan xoog lahayn ayaa ka jirtay magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda toddobaadkii tagay. Waxaa la sameeyay guddi wadajir ah oo ka kooban 18 xubnood si ay ula socdaan hirgelinta xabbadjoojinta, wadahalkuna hadda wuu socdaa, si la isugu afgarto hab dibuheshiisiin.

Wadahadallo qotodheer, oo uu horkacayo Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, ayaa u socda madaxweynayaasha labada dowlad goboleed, si ay ugu heshiiyaan arimaha asaaska u ah in labada ciidan la kala qaado iyo hanaan lagu hirgeliyo laguna hubiyo xabbad joojinta.

“Hanaan xabbad joojin iyo kala qaadidda labada ciidan ayaa muhim u ah xallinta colaadda” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Michael Keating. “Cidna wax ka dheefi mayso in dagaal dib u billowdo, shacabka ku nool magaalda, dadka ku nool degaanada deriska ah, dadka barakacayaasha ah, carruurta iyo ganacsatada intuba waxaa soo gaaraya dhibaato dheeraad ah. Cidda keliya ee ka macaashaysa dagaal dib u billowda waa qaswadayaasha xagjirka ah. Waxaa loo baahanyahay xabbad joojin si loo yeesho wadahadal lagu xalliyo arrimaha salka u ah colaadda, wadahadalkaasoo ka dhaca magaalada Gaalkacyo oo ay horseed ka yihiin madaxda degaanka, bulshada rayidka iyo ganacsatada, iyo weliba heer qaran.”

Previous Post

Wajiga Koowaad ee doorashada aqalka Hoose oo ka socoto Jowhar iyo Xildhibaanno la doortay

Next Post

Gudoomiyaha Baydhabo oo tababar u soo xiray dhalinyaro+Dhageyso

Next Post
Gudoomiyaha Baydhabo oo tababar u soo xiray dhalinyaro+Dhageyso

Gudoomiyaha Baydhabo oo tababar u soo xiray dhalinyaro+Dhageyso

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Somalia Praises Saudi Role in Advancing Yemeni Peace Efforts

January 3, 2026
0

The Federal Republic of Somalia commends the constructive and responsible role of the brotherly Kingdom of Saudi Arabia in advancing...

Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Jilib Marka

Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Jilib Marka

January 3, 2026
0

Ciidamada Kumaandooska Gor Gor oo kaashanaya guutada 14-ka October iyo NISA ayaa si raami gacanta ugu dhigay deegaanka Jilib Marka...

Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra’iil

Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra’iil

January 3, 2026
0

Wasiirrada iyo Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ee Waqooyi Bari iyo Gobolka Awdal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si...

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Daawada

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Daawada

January 3, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaallya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 25-aad, waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In