Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Afrika oo sheegay inay si habsami ah u socdaan doorashooyinka Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Midowga Afrika oo sheegay inay si habsami ah u socdaan doorashooyinka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay inaysan rabshadaha Al-Shabaab u hakan doonin doorashooyinka Soomaaliya oo ay sidii la doonayayna u dhici doonaan.

Danjiraha ayaa tilmaamay inay dhici karto arbushaado yaryar iyo ugaarsi ay ku sameeyaan qaar ka mid ah Ergada, balse aysan wax saamayn ah ku yeelan doonin Al-Shabaab habsami u socodka hawlaha doorashooyinka Dalka Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026

Ergeyga ayaa intaa raaciyay inay xil wayn iska saareen sugidda ammaanka goobaha ay codbixintu ka dhacayso iyagoo kaashana Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya,kuwaasoo qaybo badan oo ka mid ah haatanba loo carbiyay ka qayb qaadashada ilaalinta doorashooyinka dadban.

Dhinaca kale, Francisco Caetano Madeira, ayaa sheegay inay Amisom waddo qorshihii ay 2018-ka kaga bixi lahayd guud ahaan Dalka Soomaaliya, haatanna ay diyaarinayaan Ciidamadii Qaranka Soomaaliyeed ee iyaga howsha kala wareegi lahaa.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa horay u soo tababaray 10.900 oo Askar  Soomaaliyeed ah kuwaasoo la doonayo in tiradooda la gaarsiiyo 20,000, si ay u hantaan dhammaan ammaanka guud ee Dalka Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa horay u sheegay inay carqaladayn doonaan doorashooyinka dhowaan lagu wado inay Dalka ka qabsoomaan.

Previous Post

RW Ku-xigeenka dalka oo Shir-guddoomiyay shirka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Wadamada Islaamka oo si wadajir ah u cambaareeyey Xuutiyiinta Yemen

Next Post
Wadamada Islaamka oo si wadajir ah u cambaareeyey Xuutiyiinta Yemen

Wadamada Islaamka oo si wadajir ah u cambaareeyey Xuutiyiinta Yemen

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Beerta Nabadda kulan kula yeeshay suxufiyiinta warbaahinta...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026
0

Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay shirka Talisyada Qaybaha Ciidanka Dhulka, kaas oo uu...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

July 9, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dib u dhis iyo casriyeyn ballaaran oo...

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

July 9, 2026
0

Safiirka Aan Deggenayn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Brazil Mudane Dr. Omar Dufle, ayaa maanta Madaxweynaha Brazil,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In