Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray wadada Shaqaalaha ee gobolka Banaadir oo dib u dhis lagu sameeyey.
Wadadaan ayaa lagu dhisay mashruuca dalkaaga dhiso ee uu maamulka gobolka Banaadir hormuudka ka yahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarigga ka jaray, Madaxweynaha waxaa wehliyey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqda magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Madaale iyo talieyeyaasha ciidanka Amniga Qaranka, wadadaanna waxa ay isku xirta isgoyska KPP iyo daarta Shaqaalaha ee degmada Hodan.
Madaxweynaha J.F Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in uu guuleystay mashruuca dalkaaga hal Dollar ku dhiso, waxa uu sheegay in ay soo kabaneyso caasimadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee gobollada dalka deggan iyaguna in ay ka faa’ideystaan mashruuca waddooyinka caasimadda lagu dhisayo ee dalkaaga dhiso, waddooyinku waa kaabayaasha Dhaqaalaha dalka, ayuu raaciyey madaxweynaha Soomaaliya.
Wadada Shaqaalaha ayaa in ka badan 25, sanno aheyd mid inta badan xiran oo burbursan, waa waddo si weyn ay u garanayaan shacabka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, hasa yeeshee wiji cusub ayeey la timid kaddib markii maamulka gobolka Banaadir uu gaarsiiyey dalkaaga hal Dollar ku dhiso, kaas oo noqdey mashruuca ugu guulaha badan ee gobolku uu hirgaliyey afarta sanno ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamudu ay jirto.