Munaasabad lagu xusayay maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka November oo maanta ku beegan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabadda waxaa ka qeybagay Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka ah, xogahayaha joogtada ah iyo Agaasimayaasha Wasaaradda, aqoonyahano iyo Kooxda Iftin ee Wasaarda waxbarashada oo goobta ku soo banhdigay suugana ka tarjumeysay qiimaha macalinka uu u leeyahay bulshada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare Soomaaliya mudane Maxamed Cabduqaadir Nuur oo ugu horeyn munaasbadda ka hadlay ayaa sheegay in macalinka uu door muhiim ah ku leeyahay bulshada loona baahan yahay in la dhiirigaliyo macalimiinta Soomaaaliyeed.
“Hadaan macalin jirin aqoon lama furi karo lamana baran karo hadii layiri waxbarashada furaha nolosha macalinkana waa furaha aqoonta haduusan asiga kor u qaadin iftiinka cidna koru ma qaadi karto marka waa inaa macalinka dhiirigalinaa oo tagaeernaa kaliya munsaabadda maahan inaa ku xusno mana soo koobi karno abaalka macalinka Somaaliyeed” ayuu yiri Maxamed Cabduqaadir Nuur.
Axmed xasan Yuusuf oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee Dowladda Federaalka ah ayaa xusay in wasaaraddu si ay dhiirigaliso macalimiinta ay mishaar u qortay ilaa 1,300 oo macalimiin ah oo kamid ah barayaasha magaalada Mqudisho.
“Iyadoo aad ogtihiin duruufaha dhanka dhaqaalaha ah ee jira ayaa wasaarddu waxabarashadu waxay bishii june ee sanadkan mishaar u qortay ilaa kun iyo saddex boqol oo macalimiin ah oo ladoonayo in mishear lasiiyo hadana lacagihii ay xaqa u lahaayeen baa lasiinayaa” ayii yiri Axmed xasan Yuusuf
Wasiiru Wasaaradda Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka ah mudane Cabdulaahi Bile Nuur oo gaba gabadii munaasabdda ka hadlay ayaa sheegay in wasaardada ay qorsheyneyso in tabbaaro loo sameeyo macalimiinta si kor loogu qaado tayada macalimiinta iyo in la sameeyo manhaj Somaali ah oo laga dhigayo dugsiyada waxbarashada.
“Anaga hadaan nahay wasaaradda waxbaarshada waxaa no qorsheysan labo arrin oo ah in la sameeyo manhaj mideysan oo Soomaali ah iyo in la tayeeyo macalimiinta waxaana noo qorsheysan in tababaro la siiyio macalimiinta” ayuu yiri Cabdulaahi Bile Nuur.