Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Madaxda Mareykanka ee ka badbaadday falal khaarajin ah “Qeybta 2-aad”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 24, 2016
in Wararka, Xulashada
0
Akhriso: Madaxda Mareykanka ee ka badbaadday falal khaarajin ah “Qeybta 2-aad”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tan iyo markii magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvania  laga soo saaray baayaan cad oo ka soo baxay mustacmiraddii  Dalweynihii  Ingiriiska (Gteat Britain)  isla markaana lagu muujinaayey  xoriyadda dadka Mareykanka ah July 4, 1776, waxaa dalkaasi soo aray maamul ku meel gaar ah oo shaqeeyay illaa 1779-kii iyo mid rasmi ah oo uu sanadkii 1779-kii horsed ka ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay Gorje Washington.

Mudada u dhaxeysa 1779-2016-ka waxaa dalka Mareykanka soo maray 44-Madaxweyne oo 16-kamid ah ay qabteen laba xilli,halka 12-madaxweyne ku xigeen  ay iyaguna noqdeen madaxweynayaal.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Haddaba, waxaan qormadaan ku soo qaadaneynaa 11-madaxweyne oo iyagoo haya talada dalka Mareykanka  ka badbaaday isku day dil iyo mid ka dagay ama banneeyay xilka madaxtinimo oo isna ka samatabaxay fal argagixiso ah..

Andrew Jackson (January 30, 1835).

Richard Lawrence oo ah nin aan kamid aheyn shaqaalaha Aqalka   Cad,isla markaana loo keenay in uu naqshadaha bilicda iyo rinjyeyeyn ku sameeyo xafiisyada iyo hoolalka shirarka ee Aqalkaasi ayaa Bistoolad ku weeraray goob uu ku sugnaa madaxweyne Andrew Jackson.

Ninkaasi ayaa ku fashilmay in uu fuliyo falkaasi dilka ah,kadib kolkii ay suurtogal noqon weyday in wax rasaas ah ay ka baxaan ama ka dhacaan Bistooladdaasi.

Ciidamada ilaalada Aqalka Cad,ayaa gacanta ku dhigay ninkaasi wuxuuna noqday qofkii ugu horeeyay ee lagu soo oogo isku day  dil ah oo loo geysan rabay  Madaxweyne Mareykan ah.

Theodore Roosevelt (October 14, 1912)

Madaxweynahaasi   ayaa la weeraray xilli uu khudbad u jeedinaayey dad isugu soo baxay deegaanka Milwaukee  ee magaalada New York.

Falkaasi isku dayga khaarajinta ah waxaa geystay nin ka mid ah dadka ka adeega Baararka,kaas oo lagu magacaabi jiray  John F. Schrank.

Madaxwyne Theodore Roosevelt,waa uu ka badbaaday falkaasi waxaana gaaray dhaawac fudud oo la tilmaamay in si degdeg ah ay u daaweeyeen ama u dabiibeen dhaqaatiir gaarka ah.

Madaxweynahaasi waxaa la sheegay in jirkiisa ay ku hartay xabad rasaas ah oo ku jirtay illaa uu ka dhintay sanadkii 1919 .

Ninka geystay falkaasi ayaa mar dambe lagu helay in uu qabo cudurka waalid

Franklin D. Roosevelt (February 15, 1933).

Ninla lagu magacaabo Giuseppe Zangara,ayaa rasaas la beegsaday Madaxweyne Franklin D. Roosevelt  oo waqtigaasi u gacan haadinaayey taageerayaal isugu soo baxay magaalada Miyaami ee gobolka Florida.

Rasaastaasi ayaa hareer martay Madaxweynaha waxaana ku    dhintay Duqii magaalada Chicago oo la socday,iyadoo ay ku dhaawacmeen 4-qof

Falkaasi isku dayga ah ayaa yimid xilli Madaxweynahaasi aan loo dhaarin jagada xafiiska aqalka Cad.

Zangara oo ah ninkii ka dambeeyay falkaasi waa la qabtay waxaana lagu helay dambigaasi ,iyadoo la dilay March 20, 1933.

Harry Truman (November 1, 1950).

Laba ka mid ah taageerayasha urur madaxbannaan oo lagu magacaabi jiray Puerto Rican oo ay ku bohoobeen dadka mareykanka ee ka soo jeeda Isbanishka ayaa si xeeladeysan u galay xarunta Aqalka Cad,waxayna bilaabeen in ay rasaas la beegsadaan halkii ay ku tuhmaayeen in uu joogo Madaxweynahaasi.

Madaxwyne Truman ,waxaa  waqtigaasi uu  nasasho u joogay gudaha aqalka cad.oo ay ka  socotay dayactir lagu sameynaayey xaruntaasi.

Oscar Collazo iyo  Griselio Torresola oo ah raggii isku dayey falkaasi,waxa ay iska horyimaadeen ciidamada Boliiska iyo kuwa sirdoonka ah ee joogay aqalka Cad,waxaana halkaasi ku dhintay sarkaal boliis ah iyo Griselio Torresola oo ah mid ka mid ah labadaasi nin .

Madaxweyne Truman waa uu ka badbaaday falkaasi isku dayga  dilka ah waxaana la qabtay  Oscar Collazo oo ah ninkii labaad .

Ninkaasi waxaa maxkamadda ay ku heshay dambi ah isku day dil,waxaana lagu xukumay xabsi daa’in ah.

Richard Nixon  FEBRUARY 22, 1974

Samuel Byck, waaxa uu ahaa nin aan kamid aheyn shaqaalaha dowladda,horay waxa uu u ahaa ganacsade iibiya  nuucyada lugaha Gaadiidka kala duwan

Ninkaasi waxa uu isku dayey in uu afduub ku sameeyo Diyaarad ku sugneyd Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee  Baltimore,si uu ugu burburiyo ama ugu rido Aqalka Cad ee Mareykanka.

Qorshahaasi waa uu ka dhicisoobay,wuxuuna ninkaasi  dilay Pilootihii iyo ku xigeenkiisii, kadibna isaga ayaa isdilay.

2004-dhacdadaasi waxaa laga sameeyay Filim loogu    magac daray The Assassination of Richard Nixon.”

Gerald Ford   SEPTEMBER 5, 1975

Muddo bil gudahed ah Madaxweynahaasi waxaa la  isku dayey in lagu weeraro gobolka California, iyadoo la doonayo in la khaarajiyo Gerald Ford bishii  Sept. 5-teedii , 1975 iyo 22-kii bishaasi.

Labadaasai fal ee la isku dayey waxaa ka dambeeyay Lynette Fromme iyo Sara Jane,iyagoo falalkaasi ka  kala dhacay hooy uu deganaa Madaxweynahaasi oo ku yiilay San Fransisco iyo goob kale oo lagu magacaabo Sacramento,halkaasi oo ay isugu yimaadeen taageerayaal

Labadaasi fal waa uu ka badbaadaY Madaxweyne Gerald Ford waxaana ciidamada dalka Mareykanka ay gacanta ku dhigeen raggaasi.

Labadii ruux  ee ka dambeeyay falalkaasi isku dayga ah waxaa la horgeeyay maxkamad, gunaanadkiina waxaa lagu xukumay xabsi daa’in

Jimmy Carter   MAY 5, 1979

5-tii May , ciidamada Sirdoonka Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay nin ku hubeysan Bistoolad oo ku sugnaa goob uu khudbad ka jeedinaayey Madaxwyne Carter ee magaalada Los anjalis.

Raymond Lee Harvey oo ah ninkii lagu qabtay Bistooladda ayaa xilligaasi la tuhmay kadib markii la arkay isagoo ku dhex wareegaya goobtii ay ka socdeen khudbadaha Madaxweyne Carter.

Waxaana  markii dambe mas’uuliyiinta ay ku sheegeen in ninkaasi  uu watay Bistoolad maran oo jeebkiisa ku jirtay.

Ronald Reagan   MARCH 30, 1981

John Hinckley Jr. waxa uu toogasho ku dhaawacay MadaxweyneRonald Reagan  iyo sadex kale kuwaas oo xilligaasi ku sugnaa meel dibadda ka ah Hoteel ku yiillay Washington    .

Hinckley waxa uu sheegay in falkaasi uu u sameeyay hammi ah in uu noqdo nin caan ah ama uu ismuujiyo,si uu ugu dhowaado gabadha Aktaradda ah ee Jodie Foster oo uuu si aad ah u jeclaa.

Gabadhaasi ayaa ninka geystay horay ugu tiri” haddii aad I dooneyso noqo qof can ah”.

Hinckley waxaa laga helay cudurka waalida,waxaana la geeyay xarun lagu daaweeyo dadka qaba cudurka dhimirka.

Marar badan ayuu raadiyay ninkaasi in uu dibadda uga boxo xaruntaasi
George H.W. Bush  APRIL 13, 1993

Madaxweyne  George H.W. Bush APRIL 13, 1993 xilligaasi ma aheyn nin haya talada xafiiska Aqalka Cad ee dalka Mareykanka,waxaana isagoo jooga dalka Kuweyt la isku dayey in lagu fuliyo fal khaarajin ah.

16-nin oo ku hubeysan nuucyada hubka iyo Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa u diyaargaroobay in ay wadada u gakaan ,isla markaana ay dilaan George H.W. Bush oo waqtigaasi  ku sugnaa dalka kuweyt oo uu kaga qeybgalaayey xaflad lagu maamuusaayey howlgalinta Jaamacad ku taalla dalkaasi,

Saraakiil reer Kuweyt ah ayaa sheegay goor dambe in la qabtay raggii waday falkaasi argagixisada ah iyo Gaarigii laga buuxiyay walxaha qarxa

Kadib kolkii sirdoonka mareykanka iyo kuwa Kuweyt ay ka warheleen isku daygaasi.

Bill Clinton  Nofember 1996

Madaxweyne Clinton ayaa ka cararay isku day qarax bam bishii November 1996-dii isagoo booqanaayey  Philippines oo uu kaga qeybgalaayey shirka Asia-Pacific ee golaha wax wada qabsiga  dhaqaalaha.

Howlwadeenada Sirdoona oo ka warhelay falkaasi argagixisada ah ayaa awood u helay in ay wadadiii qatarta ka weeciyaan Gaarigii siday Madaxweynaha

.Illi dambe ayaa la ogaaday in isku daygaasi argagixiso uu ka dambeeyay Osama bin Laadin hogaamiyihii ururka al-qaacida.

George W. Bush  FEBRUARY 7, 2001

Robert Pickett, oo ah xisaabiye ka soo jeeda  magaalada Evanston,ee dhacda waqooyi bari gobolka Illinois waxa uu rasaas ku  weeraray Aqalka Cad xilli uu Madaxweynuhu ku jiray gudaha Aqalkaasi.

Bush waa uu ka badbaaday rasaastaasi mana gaarin wax dhibaato  ah.

Ciidamada sirdoonka ayaa rasaas la beegsaday Pickett,waana la qabtay.Maxkamadda ayaa ku xukuntay3-sano oo xarig ah.

Barack Obama    NOVEMBER 11, 2011

Oscar Ramiro Ortega-oo ah mareykan ka soo jeeda Isbanishka (Hernandez) ayaa la qabtay laguna eedeeyay in uu maleegaayey isku day fal khaarajin ah oo lala beegsanaayey Madaxweyne Obama.

Ninkaasi waxaa lagu qabtay meel u dhow xarunta Ganacsiga caalamiga ah,kadib kolkii in muddo ah isha lagy hayey,isla markaana ay dabasocdeen ciidamada sirdoonka .

Obama ma joogin aqalka Cad waqtigii la qabanaayey ninkaasi oo illaa hadda la tilmaamay in lagu hayo xabsiga Mareykanka.

Oscar oo ka soo jeeda gobolka Idaho, waxa uu aaminsan yahay in Obama uu yahay Sheydaan

W/D/Shire Xasan Kulmiye

[email protected]

Previous Post

Guddoomiyaha Doorashooyinka oo Maanta gaaray Cadaado

Next Post

Madaxweynaha “Doorashooyinka dalka ka dhacay waa guul weyn oo ay Soomaaliya gaartay”

Next Post
Madaxweynaha “Doorashooyinka dalka ka dhacay waa guul weyn oo ay Soomaaliya gaartay”

Madaxweynaha “Doorashooyinka dalka ka dhacay waa guul weyn oo ay Soomaaliya gaartay”

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In