Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha Dalka ayaa waxaa garoonka diyaaraha Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxda Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland iyo masuuliyiin kale.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in socdaalkiisa ay la xiriirto 3 arrimood oo kala ah u hambalyeynta dowlad Goboleedka Jubbaland ee doorashada xubnaha labada Aqal, xoojinta wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo Madaxda Jubbaland iyo qorshaha Ololaha doorashooyinka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu sidoo kale kulamo la qaato Xildhibaannada Baarlamaanka cusub.