Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo kormeer ku tagay Xeryaha Ciidamada Xoogga ay ku leeyihiin duleedka Kismaayo(SAWIRRO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo kormeer ku tagay Xeryaha Ciidamada Xoogga ay ku leeyihiin duleedka Kismaayo(SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay xeryaha ciidammada Xoogga dalka ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha, kormeerkiisu waxa uu la xiriiray sidii uu u dhiiragelin lahaa ciidammada ku sugan deegaannada Jubbalaan ee xeryaha ku leh duleedka Kismaayo, kuwaas oo qaarkood dhammeystay tababarka isku dhafka ciidammada Xoogga dalka oo lagu bilaabay qeybta 43-aad ee Jubbalaan ka howl-gasha.

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa madaxweynaha warbixin buuxda ka siiyey marxaladda ciidammada ku sugan yihiin iyo tababarka isku dhafka ay qaateen, waxa uu sheegay in weli ciidanku u baahan yahay in la dhammeystiro waxyaabaha ka haray baahidooda dhanka shaqada.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu hambalyeeyey ciidanka xeryaha ku leh Ex Jaamacaddii hore ee Kismaayo, tababarrada ay sida wanaagsan u qaadeen, waxa uu ku dhiirageliyey diyaar-garowga ay u galeen in ay dalka ka difaacaan kooxaha Nabadda diiddan.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladdu ay xog ogaal u tahay xaaladda ay ciidanku ku sugan yihiin, waxa uu intaa raaciyey in lagu dadaali doonno dhammeystirka baahida ciidanka dhan walba iyadoo la eegayo awoodda dowladoodu  leedahay, laakiin ahmiyadda koobaad la siin doono ciidammada Qalabk Sida.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo saraakiisha ciidammada, ayaa kormeer kale ugu tagay ciidammo cusub oo uu tababar uga socda isla duleedka magaalada Kismaayo, madaxweynaha ayaana hadal kooban oo dardaaran iyo dhiiragelin ah u jeediyey ciidankaasi.

ciidan-aciidan-okciidanbciidancciidandciidaneciidanfciidang

Previous Post

Ogaysiis:- Fursado Shaqo Oo Ka Bannaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Next Post

Shirkii Golaha wada tashiga ee Dowladaha Hoose oo lasoo gebagabeeyey(Sawiro)

Next Post
Shirkii Golaha wada tashiga ee Dowladaha Hoose oo lasoo gebagabeeyey(Sawiro)

Shirkii Golaha wada tashiga ee Dowladaha Hoose oo lasoo gebagabeeyey(Sawiro)

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In