Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa halkaasi uga qaybgalay tababarka ay ciidamada Karanbinyeeriga Talyaaniga ay siiyaan Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenka Ciidanka , iyadoo lala kaashanaayo Ciidamada Boliiska Dalka Jabuuti, waxaana halkaasi tababbar loogu soo gabo gabeeyay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska ee dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya oo si wada jir ah loo siiyay tababbarka.Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali ayaa ka qaybgalay xaflad sagootin ah oo...














































