Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka furay kulan looga hadlayay wada tashiga aas aasida madasha xiriirka Dowladda Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka oo ay sooo qaban qaabisay Wasaaradda Arrrimaha Gudaha.
shirka waxaa ka qayb galay mas’uuliyiinta qaar kamid ah Wasaaraddaha dowladda Soomaaliya iyo kuwa mamaul goboleedyada, wakiilo ka kal asocoday xafiisyada Madaxweynaha, Raii’sul wasaraha iyo xubno kale.
Ugu horeyn ayaa waxaa kulanka ka hadlay Xoghayaha dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir Maxamed Aamiin Sheekh Cilmi ayaa tilmaamay in ka qeyb galayaasha ay wax badan ka faa’iideysan doonaan.
Qaar ka mid ah Wasiirada dowlad Goboleedyada dalka oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa s wada jir ah u soo dhaweeyay furitaanka barnaamijkaan.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa sheegay inay muhiim tahay wada shaqaynta Wasaaradaha, isagoo dhinaca kale Wasiirka Arrimaha gudaha soo hadal qaaday abaaraha baahsan ee ka jirta qaar ka mid ah gobollada dalka.
Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir