Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Doorashooyinka(GFHDD): “ma aqoonsan doono natiijada kuraasta hannaanka lagu doortay aysan waafaqsaneyn xeerka doorashooyinka”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Guddiga Doorashooyinka(GFHDD): “ma aqoonsan doono natiijada kuraasta hannaanka lagu doortay aysan waafaqsaneyn xeerka doorashooyinka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafadeed uu soo saaray Guddigga Hirgelinta Doorashooyinka Daban ayaa lagu sheegay inuu Guddigu aqoonsan doonin natiijada Kuraasta hannaanka lagu doortay aysan waafaqsaneyn Xeerka doorashooyinka.

Guddigu waxa uu u arkay doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Jowhar ay tahay mid si ayaan darro ah u qabsoontay oo aan waafaqsaneyn xeerka doorashooyinka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

January 11, 2026
Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026

War-saxaafadeedka waxaa kaloo la sheegay in Guddiga oo tixraacaya warqaddii uu Guddiga hore u soo saaray 7-dii Disember ee lagu shaaciyay go’aanka laga gaaray Kursiga Beesha Jiidle, waxaana lagu cadeeyay war-saxaafadeedka in Guddiga Dawlad-goboleedka Doorashooyinka Dadban ee Hirshabeelle uusan sharciyad u laheyn in uu doorasho u qabto Musharax laga reebay tartanka.

Guddiga waxa uu mar labaad ku celiyay in dhammaan Musharaxiintii horey looga reebay tartanka aysan sinnaba uga qeybqaadan Karin hannaanka doorashooyinka dadban ee sanadkan 2016-ka, isagoo guddigu sheegay in uusan aqoonsan doonin natiijada kuraasta hannaanka lagu doortay aysan waafaqsanayn xeerka doorashooyinka.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu xusay in Webarka Beesha laga sugayo oo Masuulka ka ah kursigaasi in uu u soo xulo ergo doorasho cusub, ugu dambeyntii waxa lagu sheegay in Guddigu uu ku adkeynayo dhammaan qeybaha ku shaqada leh hannaanka doorashooyinka in ay ilaaliyaan daah-furnaanta iyo ku kalsoonaanta doorashooyinka 2016-ka.

Previous Post

Doorashada Aqalka Hoose oo dib uga bilaabatay Garowe

Next Post

Madaxweynaha dalka oo shacabka ugu baaqay in dagaalka Al-Shabaab ay u midoobbaan

Next Post
Madaxweynaha dalka oo shacabka ugu baaqay in dagaalka Al-Shabaab ay u midoobbaan

Madaxweynaha dalka oo shacabka ugu baaqay in dagaalka Al-Shabaab ay u midoobbaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa...

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bannaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In