Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War Saxaafadeed ay soo saareen Guddiyada Hanaanka Doorashooyinka dadban ee Afar Maamul-goboleed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
War Saxaafadeed ay soo saareen Guddiyada Hanaanka Doorashooyinka dadban ee Afar Maamul-goboleed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War Saxaafadeed Wadajir ah ayay Maanta soo saareen Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad-Goboleed oo kala ah Puntland, Galmudug, Koofur-Galbeed iyo Jubbaland, kaasi oo uu ku saabsan yahay go’aanka GXKHD 14/12/2016-ka ee la doonayo in lagu hor-istaago kuraas loogu doortay deegaan doorashooyinka dalka si sharci ah.

Ugu horreyn waxaan madaxda MHQ, Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba la wadaageynaa qodobbadan hoose: GXKHD go’aankooda iyo habka dacwo qaadistuba ma waafaqsana Qodobka 14aad ee xilka iyo waajibaadka GXKHD oo dhigaya kulamada guddiga oo lagu dhageeysanayo dacwadaha waa inuu ahaado mid u furan dhinacyada ay khuseeyso, Goob-joogayasha caalamiga ah iyo kuwa gudaha. Haddabba maaddaama kulankii ay yeesheen GXKHD 14/12/2016 aan loo marin habraaca ku xusan qodobka 14aad ee xilka iyo waajibaadka GXKHD , taas waxay caddeyneysaa in ay gaareen go’aamo suuq madoow ah.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Guddiyadu waxaa kaloo ay Warkooda ku xuseen in GXKHD iyo wakiilladoodu xiriir fiican lama laheyn Deegaan Doorashooyinka iyo Guddiyada Doorashada, waxayna caqabad ku noqdeen howlihii doorashada illaa ay meelaha qaar iskood uga baxeen.

“GXKHD marka ay leeyihiin waxaan baarnay kuraas khilaaf ka jiro lama aysan xiriirin Guddiyada shaqada doorashada qabtay, mana aysan baarin dukumentiyada iyo hannaanka ay soo martay doorashadu,
wakiillo uma joogin goobta shaqada qaarkood, mana aysan dhegeysan dhinacyada arrimahani quseeyaan oo dhan, IWM”, ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

War-saxaafgadeedka waxaa kaloo lagu yiri “GXKHD waxaan ku wargelinay inaysan ku degdegin go’aannadaan oo burburin kara hannaanka doorashada, waxaana kula talinay in la sameeyo baaris dhab ah oo xaqiiq ku dhisan.GXKHD Goaanka ay gaareen waxaan u arkeynaa inuu yahay mid lagu hor istaagayo xildhibaannada sida sharciga ah loo doortay si loogu cadaadiyo inay u hoggaansamaan fulinta ujeeddooyin siyaasadeed”.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu xusay in sababahaan kor ku xusan awgood go’aanka GXKHD ahaa mid lagu degdegay oo xambaarsan ujeeddooyin siyaasadeed oo ay abaabulayaan musharraxiin
awood dowladnimo haysta, iyadoo lagu caddeyneynaa in go’aanka ay soo saareen Guddiga XKHD oo lagu burinayo doorashada ka dhacday Deegaan Doorashooyinka Soomaaliya uu yahay mid sharcidarro ah oo aan lagu dhaqmi doonin.

War-saxaafadeedka waxaa lagu yiri “MHQ, Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba waxaan ku wargelineynaa in doorashooyinka ka dhacay dalka 48 sanno kadib inay u dhaceen si dimoqraadi ah,xor ah oo xalaal ah. Natiijooyinka ka soo baxay doorashooyinkaasna in loo baabi’iyo si aan sharci loo marin waxay burburineysaa doorashada dadban ee 2016 taasoo dhammaanteed aheyd rajada kaliya ee Soomaaliya maanta sugeysay. Waxaana qaadi doona mas’uuliyadda cawaaqibka ka yimaada go’aankaan ciddii isku dayda inay hirgeliso wax aan sharci aheyn”.

Waxaa ku saxiixan War saxaafadeedkaasi:-

Guddoomiyayaasha Guddiyada GDGDD
1. Md Khaliif Awcali GDGHDD Dowlad-Goboleedka Puntland
2. Md Cabdi Cali Raage GDGHDD Dowlad-Goboleedka Jubbaland
3. Md Maxamed Cabdullahi Mursal GDGHDD Dowlad-Goboleedka Koofur
Galbeed
4. Md Xuseen Sheikh Maxamed GDGHDD Dowlad-Goboleedka Galmudug

Previous Post

Qalab loogu deeqay Akadeemiyada ciidanka booliiska ee Jeneraal Kaahiye

Next Post

Wafdi ka socday Q. M. qaabilsana Miinooyinka oo gaaray Cadaado

Next Post
Wafdi ka socday Q. M. qaabilsana Miinooyinka oo gaaray Cadaado

Wafdi ka socday Q. M. qaabilsana Miinooyinka oo gaaray Cadaado

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In