Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boon Xersi oo ku geeriyooday Hargeysa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Boon Xersi oo ku geeriyooday Hargeysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee waxaa Xalay Gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Mujaajilliistihii weynaa ee Hoballada Waaberi Xuseen Xersi Caddib oo loo yaqaanna (Boon Xersi).

Ehelada marxuumka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuusan jirin wax xanuun ah oo uu la jiifay Fannaanku, balse ay ku timid qaddarta Eebbe.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

January 11, 2026
Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026

Mujaajilliiste Boon ayaa waxaa geeridiisa ka tacsiyeynaya dhammaan masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, iyagoo Alle uga baryay inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

Boon Xersi Bowdo gaab, ayaa sidoo kale ahaa Abwaan wax sameeyay Riwaayado ay ka mid tahay Ninba Tima Xamar oo haddana xiir.

Waxaana sidoo kale lagu xusuustaa Abwaanku Riwaayado door ah oo uu kaalin Libaax ku lahaa Jilistooda iyo soo jiidashada daawadayaasha.

Boon Xirsi wuxuu Fanka ku biiray Sannadkii 1974-kii, waxaana Riwaayaddii ugu horreysay ee uu ka qayb qaatay la oran jiray Jacayl waa kane ku aaway, oo uu lahaa Axmed Saleebaan Bidde, waxaanu Riwaayaddaana ku matalayey Dhakhtar (Dictor).

Allaha u Naxariisto Mujaajilliiste Boon Xersi, Innaa Lillaah wa inaa Ileyhi raajicuun.

Previous Post

Gabdho Soomaali ah oo lagu dilay Dalka Canada.

Next Post

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duleedka Kismaayo

Next Post
Maxaa u sabab ah burburka Alshabaab?

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duleedka Kismaayo

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa...

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bannaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In