Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boon Xersi oo ku geeriyooday Hargeysa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Boon Xersi oo ku geeriyooday Hargeysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee waxaa Xalay Gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Mujaajilliistihii weynaa ee Hoballada Waaberi Xuseen Xersi Caddib oo loo yaqaanna (Boon Xersi).

Ehelada marxuumka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuusan jirin wax xanuun ah oo uu la jiifay Fannaanku, balse ay ku timid qaddarta Eebbe.

Related posts

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026
Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026

Mujaajilliiste Boon ayaa waxaa geeridiisa ka tacsiyeynaya dhammaan masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, iyagoo Alle uga baryay inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

Boon Xersi Bowdo gaab, ayaa sidoo kale ahaa Abwaan wax sameeyay Riwaayado ay ka mid tahay Ninba Tima Xamar oo haddana xiir.

Waxaana sidoo kale lagu xusuustaa Abwaanku Riwaayado door ah oo uu kaalin Libaax ku lahaa Jilistooda iyo soo jiidashada daawadayaasha.

Boon Xirsi wuxuu Fanka ku biiray Sannadkii 1974-kii, waxaana Riwaayaddii ugu horreysay ee uu ka qayb qaatay la oran jiray Jacayl waa kane ku aaway, oo uu lahaa Axmed Saleebaan Bidde, waxaanu Riwaayaddaana ku matalayey Dhakhtar (Dictor).

Allaha u Naxariisto Mujaajilliiste Boon Xersi, Innaa Lillaah wa inaa Ileyhi raajicuun.

Previous Post

Gabdho Soomaali ah oo lagu dilay Dalka Canada.

Next Post

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duleedka Kismaayo

Next Post
Maxaa u sabab ah burburka Alshabaab?

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duleedka Kismaayo

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026
0

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf Barre, ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay si gaar ah sanadkan...

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

February 25, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa gudbiyay nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsigiisa....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In