Toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa isa soo tarayay Dagaallada u dhaxeeya Shacabka Soomaaliyeed iyo kooxda Alshabaab kaas oo ka dhacay Deegaano kala duwan oo ka kala tirsan Dawlad-gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Jubbaland.
Dagaalladan oo u muuqda kuwo isku ujeedo ah ayaa yimid kagadaal markii Kooxda Alshabaab ay damceen in ay si khasab ah Xoolo uga qaataan Shacabka oo iyaguba la daalaa-dhacaya waxyeellada ay ka dhalatay Abaaraha Baahsan taasoo dhalisay in ay Shacabku ka caroodaan Naxariis la’anta Kooxda isla markaana ku dhiiridaan in ay la dagaallamaan.
Dagaalkii ugu horreeyay waxa uu ka dhacay Deegaanka Dumaaye ee Gobalka Mudug, Toddobaadyo uun ka dib Nin Shacab ah oo ku nool Shabeelaha dhexe ayaa Weerar aargoosi ah ku dilay horjooge sare oo ka tirsan Shabaab, muddo yar ka dib dhacdadaas Shacab ku nool Jubbada Hoose ayaa iyana iska cabin kala hortagay Shabaab kadib markii ay ka dhaceen Xoolo fara badan ayaa wuxuu isku badalay dagaal toos ah.
Maxaa keenay isku dhaca Shabaab iyo Shacabka?
Waxaa jira dhawr sababood oo loo tirinkaro in ay keeneen Dagaalladaan, balse tan ugu wayn ayaa ah in ay Dadwaynuhu u dulqaadan waayeen Cadaadiska Shabaab xilli ay wajahayaan dhibaato adag oo ka dhalatay Abaaraha taas oo gaarsiisay in ay dad Soomaaliyeed ay is-daldalaan, marka layaab ma ahan in ay Shacabka dhibanaha ahi uu ku dhiirado in uu Itaalkiisa kala hortago kuwa soo damaaciyay dabayaaaqada ka hartay Xoolahooda, waana taas sababta ay Bulsho aan haysan Hub iyo Dhaqaale ku filan ay dagaal toos ah la galaan Arxanlaawayaal ay garanayaan.
Muxuu uga dhiganyahay Alshabaab Dagalkaan?
Iska hor imaadka nuucaan ah ayaa muujinaya in lasoo gaaray Xilligii ay soo afjarmi lahayd Quudashada iyo Gabbaadsiga Alshabaab ee Shacabka oo ah meesha ugu wayn ee uu ku tiirsan yahay jiritaanka kooxdaan, maadaama ay isku dhexqariyaan Bulshada isla markaana ka helaan Dhaqaalaha ugu badan ee ay ku tiirsan yihiin Xoolaha ay sida baadda ah uga qaataan Shacabka Soomaaliyeed.
Arintaan ayaa xanbaarsan dhawr Fariimood oo ku socota Kooxaha Argagixisada ah, waa marka koowaade waxey tusinaysaa Kooxahaan in uu dhamaaday xilligii rabitaankooda ee Shacabka, waa marka labaade waxey tusinaysaa in uu dhamaaday xilligii ay Bulshadu ka cabsan jirtay in ay ka hor yimaadaan Ficillada Alshabaab iyo Xulufadooda, marka Sadexaad waxey Argagixisadu xaqiiqsanaysaa in uu dhamaaday Waqtigii ay isku qaran jireen Shacabka dhexdiisa maadaama aan shaki ku jirin in Qof ku dhiiraday in uu kula dagaallamo aadan ka rajayn karin in uu kaa qariyo Cadawgaaga.
Maxaa la gudboon Dawladda iyo Bulshada Caalamka?
Dawladda FS iyo Dawlad-goboleedyadeeda oo ay saran tahay masuuliyadda Guud ee Dalka iyo Dadka, waa in ay si dhab ah ugu kuurgalaan Dareenka Bulshadooda iyo Duruufaha ay wajahayaan kana bixiyaan Jawaab uqalanta taas oo siinkarta Bulshada kalsooni ay kusii wadaan iska caabintooda, sidaas oo kale Bulshada Caalamka oo Soomaaliya ku garabtaagan Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada waa in ay iyana ku caawiyaan sida ay Soomaalida Shacab iyo Maamulba uga hortimid Fikirka gurucan oo lagu dhaawacayo Sharafta Islaamka maadaama ay muujisay Soomaalidu hal adayg aanay ku dhiiran Wadamo badan oo ay wadaagaan Mashaakilka Argagixisada.
Maxaa laga barankaraa Dagaaladaan?
Waxa ugu wayn ee laga barankaro Dagaalladaan ayaa ah in uu isbadal ku yimid aragtidii laga aaminsanaa Shabaab ee ahayd in aanay ku dhiirankarin Shacabku in ay ka hor yimaadaan Fikir iyo Ficil intaba, waxaa kaloo soo ifbaxaysa heerka uu gaaray nacaybka Shacabka ee Shabaab oo ahaa mudaba mid isisoo tarayay ilaa uu hadda soo gaaray in Shacab u abaabulan hab Qabiil, mid Deegaan iyo xitaa Shaqsi shaqsi ay diidayaan Amarada Shabaab walibana Qori kala hortagayaan, hadana ay awoodaan in ay ka hadlaan Warbaahinta iyagoo sheegaya magacyadooda iyo halka ay joogaan taas oo ah wax cusub oo aan horay loo baran, ugu danbayna waxaan arkaynaa Shabaab oo dab ku qabtay halkii ugu danbaysay ee ay Dugsanayeen oo ah Shacabka hadda ay Dhufays-yada isku qodanayaan.
W/D: Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaalla