Thursday, December 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Baarlamaanka Soomaaliya oo Caawa soo saaray War….

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa caawa shaaciyey xiliga rasmiga ah ee ay dhaceyso munaasabadda furitaanka Kalfadhiga
Golaha Shacabka.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa caawa shaaciyey in Munaasabadda furitaanka Baarlamaanka loo
asteeyey in ay dhacdo maalinta Talaadada ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 27ka December 2016, saacadda 09ka subaxnimo.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

December 11, 2025

“si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka iyo warqadda ku taariikheysan 19ka December 2016 ee guddiga heer Federaal doorashooyinka dadban ee 2016 kusoo saaray natiijada Xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada labada aqal ee Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya waxaan ku wargelinaynaa Xildhibaannada Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xarunta akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayuu
yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xildhibaannada in ay horey u soo
qaataan kaararkooda aqoonsiga si ay ugu fududaato qabsoomidda munaasabadda.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hada loosoo doortay ee loo asteeyey munaasabadda furitaanka in ay dhacdo 27ka Decembher ayaa waxaa kulankooda ugu horeeya marka la dhaariyo kadib waxaa laga rabaa iney doortaan guddoonkooda KMGka ah sida uu Dastuurka dalku qabana waxaa noqon doono xubinta ugu da’da weyn ayadoo amrkaasina la go’aamin doono
xiliga ay dhaceyso doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo ah Guddoomiyaha iyo Ku Xigeennadiisa.

Previous Post

Gudiga xalinta khilaafaadka oo soo saaray warsaxaafadeed cusub

Next Post

Madasha Wadatashiga Oo Soo Saartay War Murtiyeed

Next Post
Madasha Wadatashiga Oo Soo Saartay War Murtiyeed

Madasha Wadatashiga Oo Soo Saartay War Murtiyeed

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

December 11, 2025
0

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa maanta si rasmi ah dhagax dhigay dhismaha cusub ee saldhigga Booliiska...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

December 11, 2025
0

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ku qabtay kulan dadweyne oo looga...

Ciidanka XDS oo toogtay naftii hallige khawaarij ah.

Ciidanka XDS oo toogtay naftii hallige khawaarij ah.

December 11, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda Jeneraal Dhagabadan ee Magaalada Muqdisho ku toogtay naftii-hallige khawaarij ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In