Diyaaradaasi waxay Isgaarsiinta Raadaarka ka luntay 20-daqiiqo kadib kolkii ay ka kacday garoon diyaaradeed oo lagu magacaabo Adler ,kaas oo dhaca deegaanka Sochi ee badda Madoow (Black Sea ),waxaana la helay burburkii diyaaraddaasi oo yillay biyaha badda ee magaalada Sochi.
Wasiirka Difaaca dalka Raashiya ayaa sheegay in xubno kamid ah ciidamada oo caan ah,laguna magacaabo Alexandrov iyo 9-kale oo Wariyaal ah ay ku jireen diyaaradaasi burburtay.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca waxaa uu sheegay in diyaaradaasi ay ku socotay dalka Suuriya,si xubnihii la socday ay uga qeybgalaan farxadda sanadka cusub ee ay xusayaan ciidamada Raashiya ee jooga dalka Suriya,gaar ahaan gobolka latakiya.
Afhayeenka ayaa intaa raaciyay in diyaaradasi oo nuuceedu ahaa Tu-154 ay sidday 83–qof oo rakaab ah oo ka kooban shaqaale dowladeed,fanaaniin mileteri ah, wariyaal iyo 8-qof oo ah shaqaalihii diyaaraddaasi..
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt
RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa...











