Diyaaradaasi waxay Isgaarsiinta Raadaarka ka luntay 20-daqiiqo kadib kolkii ay ka kacday garoon diyaaradeed oo lagu magacaabo Adler ,kaas oo dhaca deegaanka Sochi ee badda Madoow (Black Sea ),waxaana la helay burburkii diyaaraddaasi oo yillay biyaha badda ee magaalada Sochi.
Wasiirka Difaaca dalka Raashiya ayaa sheegay in xubno kamid ah ciidamada oo caan ah,laguna magacaabo Alexandrov iyo 9-kale oo Wariyaal ah ay ku jireen diyaaradaasi burburtay.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca waxaa uu sheegay in diyaaradaasi ay ku socotay dalka Suuriya,si xubnihii la socday ay uga qeybgalaan farxadda sanadka cusub ee ay xusayaan ciidamada Raashiya ee jooga dalka Suriya,gaar ahaan gobolka latakiya.
Afhayeenka ayaa intaa raaciyay in diyaaradasi oo nuuceedu ahaa Tu-154 ay sidday 83โqof oo rakaab ah oo ka kooban shaqaale dowladeed,fanaaniin mileteri ah, wariyaal iyo 8-qof oo ah shaqaalihii diyaaraddaasi..
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ ๐๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ ๐ ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ฌ๐ค๐ฎ-๐๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ข๐ข๐ง๐๐ก๐
Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...











