Diyaaradaasi waxay Isgaarsiinta Raadaarka ka luntay 20-daqiiqo kadib kolkii ay ka kacday garoon diyaaradeed oo lagu magacaabo Adler ,kaas oo dhaca deegaanka Sochi ee badda Madoow (Black Sea ),waxaana la helay burburkii diyaaraddaasi oo yillay biyaha badda ee magaalada Sochi.
Wasiirka Difaaca dalka Raashiya ayaa sheegay in xubno kamid ah ciidamada oo caan ah,laguna magacaabo Alexandrov iyo 9-kale oo Wariyaal ah ay ku jireen diyaaradaasi burburtay.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca waxaa uu sheegay in diyaaradaasi ay ku socotay dalka Suuriya,si xubnihii la socday ay uga qeybgalaan farxadda sanadka cusub ee ay xusayaan ciidamada Raashiya ee jooga dalka Suriya,gaar ahaan gobolka latakiya.
Afhayeenka ayaa intaa raaciyay in diyaaradasi oo nuuceedu ahaa Tu-154 ay sidday 83โqof oo rakaab ah oo ka kooban shaqaale dowladeed,fanaaniin mileteri ah, wariyaal iyo 8-qof oo ah shaqaalihii diyaaraddaasi..
Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
Dowladda Turkiga ayaa waxaa shalay laga soo sagootiyey Markabka Caฤri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal...











