Friday, July 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Tunisia oo xiray Ninkii ka Dambeeyay Weerarkii Berlin Ee Anas Camri

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ciidamada  Tunisia oo xiray Ninkii ka Dambeeyay Weerarkii Berlin Ee Anas Camri
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiisha ammaanka dalka Tunisia ayaa sheegay in ay xireen wiil uu abti u ahaa ninkii fuliyay weerarkii ka dhacay magaalada Berlin ee Anis Camri iyo laba nin oo iyaguna looga shakiyay in ay ka tirsanaayeen ururada argagixisada.

Ciidanka Ammaanka ee dalka Tunisia ayaa  bilaabay hawlgallo ay ku baadi goobayaan ciddii gacan ka siisay fulinta weerarka ka dhacay magalada Berlin oo ay ku geeriyoodeen ilaa laba iyo toban qof .

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026

Hawlgalkaasi ayaa soo baxaya ka dib markii bileeyska dalka Talyaaniga ay toogasho ku dileen ninka lagu magacaabo Anis Camri oo ay sheegtay dowladda Talyaaniga in ninka ay toogteen bileeyska talyaaniga uu yahay nin u dhashay waddanka Tunisia.

Anis Camri ayaa todobaadkii ina soo dhaafay ku weerary gaari bas ah meel ay ku sugnaayeen dad isku diyaarinayayay ka qayb galka ciidda Kiristimaska, oo uu jiirsiiyay baskii laba iyo toban qof, dabadeedna uu ka soo baxsaday waddanka Jarmalka, oo uu soo galay dalka Talyaaniga,isagoo carar ku jiray muddo saddex casho ah.

Bileeyska talyaaniga oo ku jira Roondo ayaa la kulmay Anis Camri oo weeydiiyay waraaqadaha aqoonsiga, halkii laga sugayay in uu soo saaro waraaqadihii aqoonsiga ayaa waxaa uu la soo baxay bastoolada oo uu ku riday askarigii joojiyay ee weeydiiyay waraaqadaha aqoonsiga, dabadeedna waxaa kaga hor maray xabbadda askari kale oo la socday askariga dhaawacmay oo ku riday shan xanadood, halkaasina uu ku naf baxay.

Baaritaanno ay sameeyeen bileeyska baara fal dambiyeedyada ayaa ogaaday markii baaritaan lagu sameeyay farihiisa ayay ogaadeen in ninka fuliyay weerarka Berlin e uu galaaftay nolosha laba iyo toban qof uu ahaa ninka ay toogashada ku dileen.

Saraakiisha Jarmalka ayaa beeniyay eedeeymaha ku saabsan in ay ku guuldarreeysteen in ay baaraan Anis Camri oo la sheegay in ay horey ula kulmeen, iyaga oo uga shakiyay in uu yahay ninkaasi argagixiso.

Afhayeen u hadlayay bileeyska magaalada Berlin ayaa sheegay maalintii shalay ahayd in ay sare u qaadeen tirada askarta ee loo xilsaaray sugidda amaanka inta lagu jiro ciidaha Kirismaska

Previous Post

Milatariga Nigeria oo la wareegay koobihii ay heysteen kooxaha Mucaaradka

Next Post

Madaxweynaha Congo iyo Mucaaradka oo ku kala Tagay Wada hadal Natiijo la,aan ah

Next Post
Madaxweynaha Congo iyo Mucaaradka oo ku kala Tagay Wada hadal Natiijo la,aan ah

Madaxweynaha Congo iyo Mucaaradka oo ku kala Tagay Wada hadal Natiijo la,aan ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
0

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WASIIRKII GAASHAANDHIGGA DALKA JABUUTI   Muqdisho, Luuliyo, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya...

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In