Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka oo hambalyo u diray xubnaha labada Gole ee maanta la dhaariyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka oo hambalyo u diray xubnaha labada Gole ee maanta la dhaariyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa hambalyo ku aadan furitaanka kala-fadhiga 1aad ee Baarlamaanka 10aad u diray dhamaan xubnaha labada Gole ee maanta la dhaariyay.

Mudane Maxamed Cumar Carteh oo kamid ahaa Xildhibaanada maanta la dhaariyay ayaa ku baraarujiyay dhamaan Xildhibaanada in ay ka dhabeeyaan ballanta ay ka qaadeen Alle.

Related posts

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
Kumaandooska DANAB oo Jubbada dhexe ku dilay Horjooge u dhashay Dalka Nepal

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaadka Khawaarijta

July 13, 2026

“Hamblayo ayaan u dirayaa dhamaan Xubnaha labada Gole ee maanta kala-fadhiga 1aad ku kulmay, Waxa aan u dhaaranay danta dalka, dadka, adkaynta dawladnimada iyo diinta; waa in aan la nimaadnaa ficilo ka tarjumaya rabitaanka dadka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa sidoo kale sheegay in dhaarinta labada Gole ay tahay horumar laga gaadhay dawlad Soomaaliyeed oo hanaqaadda.

“Furitaanka kala-fadhiga 1aad waxa ay ka dhigantahay horumar iyo bisayl siyaasadeed oo ay gaadheen dadka Soomaaliyeed maadaama Xildhibaanada laga soo doortay Dowlad Goboleedyada; Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan in aan yool ka dhigano horukac dhaqaale iyo mid amni oo dalku gaadhu”.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa ciidamada amniga, guddiyada doorashooyinka dadban ee heer fedeeral iyo heer dawlad goboleed, odayaasha dhaqanka, iyo ergooyinkii doorashada dadban ka qaybqaatay uga mahad celiyey sida fiican ee ay doorashooyinku si nabad ugu qabsoomeen.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Shir guddoomiyeyaasha ku meel gaarka ah ee labada aqal oo la doortay(SAWIRRO)

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guul taariikhi ah ku tilmaamay dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo guul taariikhi ah ku tilmaamay dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guul taariikhi ah ku tilmaamay dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

July 13, 2026
0

H.E. Adam Isak Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of South Africa signed the Book...

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Somali Special Forces Eliminate Seven Al-Shabaab Fighters in Midnight Operation

July 13, 2026
0

The specially trained Danab Commandos of the Somali National Armed Forces conducted a planned operation shortly after midnight in Sablaale...

Kumaandooska DANAB oo Jubbada dhexe ku dilay Horjooge u dhashay Dalka Nepal

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaadka Khawaarijta

July 13, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In