Mas’uuliyinta maanta booqday cusbitaalka ay ku jiraan Bukaanada uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax iyo Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan
Kalkaaliyayaasha caafimaad ee bukaanada ku baxnaaninaya cusbitalka Mahadaay ayaa sheegay in weli cusbitalka la soo gaarsiinaayo dadka uu soo ridanayo shubanka, kuwaasoo laga kala keenayo deegaanada hoostaga gobolka Shabeellaha Dhexe.
Guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax ayaa ka warbixiyay warbixinada uu ka helayo xaaladaha caafimaad ee dadka hoostaga deegaanada hoostaga gobolka
“Weli wey jiraan dad uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka saaka xataa waxaa la soo sheegayaa dad uu soo ridanayo oo warbixino ku heleyno sida deegaanada Diinlaawe, Ceel-baraf, Buurfuule iyo meele kale.
Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ka war bixiyay gargaarkii ay soo gaarsiiyeen bukaanada isgoo dhinaca kale ugu baaqay Hay’adaha Samafalka in ay gurmad la soo gaaraan dadka uu soo ridanayo cudurka Shuban Biyoodka
Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay iney sii wadi doonaan gurmadka ay u sameynayaan dadka uu soo ridanayo Shuban biyoodka.