Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Madaxweynaha Soomaaliya oo xarigga ka jaray Isbitaalka De Martino “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 29, 2016
in Keyd Hore, Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha Soomaaliya oo xarigga ka jaray Isbitaalka De Martino “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta xarigga ka jaray Isbitaalka De Martino ee ciidammada Naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed  oo ku yaalla degmada X/weyne ee gobolka Banaadir.
Isbitaalka De Martiino, waxaa la dhisay 1910-kii, hal qarni ka badan ayuu jiraa, waxaa lagu daweyn jiray Ciidammada Qalabka Sida Naafadooda.
Isbitaalka waxa la dhisay hadda qeyb ka mid ah oo si casri ah loo qalabbeeyey, qeybta bukaan socod eegtada iyo qeybaha kale ee uu leeyahay Isbitaal Casri ah, dhismahan waxaa soo abaabushay hey’adda houmarinta haweenka ee Iida  oo gacan ka heleysa hey’ado kale iyo dowladda Talyaaniga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarigga ka jaray Isbitaalka De Martiino oo ku yaalla degmada X/weyne, madaxwyenuhu waxa uu soo kormeerray qeybahaasi cusub oo si simman ugu adeeggi doonna shacabka Soomaaliyeed iyo ciidammada Qalabka Sida guu ahaan.
Munaasabadda Furitaanka, madaxweynaha, Wasiirka Difaaca, wasiir ku xigeenka Caafmaadka, taliyeyaasha ciidammada Qalabka sida oo dhan, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, hoggaanka caafmaadka ee Xoogga dalka, madaxda hey’adda Iida iyo hey’adaha kale ee gacanta ka heystay Isbitaalka.
 Guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiir ku xigeenka Caafmaadka, ayaa labaduba sheegay in guul weyn ay tahay in dowladdu ay taageerto mashruucaan ay dad Soomaaliyeed ku dhiseen Isbitaalkii Ciidanka Naafada haddaba bulshada dhan u adeeggi doono.
Taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Maxamed Aadan Axmed, ayaa maamulka Isbitaalka kula dardaarmay in ahmiyadda koobaad ay siiyaan Naafada Xoogga dalka ee mudada dheer soo hayey Isbitaalkan.
Wasiirka Gaanshigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo wada istaagi sidii bulshadu isugu tashan lahayd, waxa uu si weyn ugu mahadceliyey ciidanka Naafadda Xoogga dalka oo la’aantood aan la gaari lahayd horumarka uu sameeyey Isbitaalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u mahadceliyey ciidammada  hey’adda Iida, hey’adihii gacan siiyey iyo dowladda Talyaaniga, sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in muhiim ay tahay isku tashiga bulshada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in mudnaan gaar ah la siiyo ciidammada Naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa xusay in uu sidiisa u taagnaanayo magaca Isbitaalka ee De Martiino, maadaama uu ka mid yahay Taariikhda dalka uu leeyahay ee muddo dheer soo jirtay.
Isbitaalka, hadda waxa uu u adeeggayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana  mid ka mid ah guulaha Soomaaliya ay gaartay afartii sanno ee la soo dhaafey, dhinaca caafmaadka iyo dib u dhiska qeybaha Isbitaallada dalka, gaar ahaan caasimadda, hey’adda Iida, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh guddoonsiisay Billad ay ku xushmeyneyso ee  taageeriddii Isbitaalka.
IB0A5828 IB0A5889 IB0A5727IB0A5727IB0A5732IB0A5735IB0A5742IB0A5749IB0A5753IB0A5755IB0A5768IB0A5774IB0A5785IB0A5786IB0A5792IB0A5802IB0A5814IB0A5815IB0A5824IB0A5826IB0A5828IB0A5838IB0A5846IB0A5862IB0A5863IB0A5871IB0A5903IB0A5909IB0A5912IB0A5964IB0A5969IB0A5996IB0A5998IB0A6000IB0A6001IB0A6011IB0A6017IB0A6019IB0A6028IB0A6040IB0A6048IB0A6052IB0A6054IB0A6061IB0A6064IB0A6066
Previous Post

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhaxe oo deeq gaarsiiyey Isbitaalka Degmada Mahadaay.

Next Post

Ciidanka Qaybta 21-aad iyo ciidanka AMISOM ayaa isku diyaarinaya hawlgal ka dhan ah kooxda Shabaab.

Next Post
Ciidanka Qaybta 21-aad iyo ciidanka AMISOM ayaa isku diyaarinaya hawlgal ka dhan ah kooxda Shabaab.

Ciidanka Qaybta 21-aad iyo ciidanka AMISOM ayaa isku diyaarinaya hawlgal ka dhan ah kooxda Shabaab.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In