Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka oo deeq lacageed ugu yaboobay guddiga gurmadka abaaraha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Barlamanka oo dalka ku soo laabtay kadib safar uu ku tagay dalalka Ciraaq iyo Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga abaaraha Qaranka ayaa bilaabay kulamo ay la yeelanayaan, musharixiinta Mas’uuliyiinta dowladda iyo Ganacsatada, kuwaasi oo ay ujeedoodu ay tahay in ay ka qeyb qaataan gurmadka Dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Kulankii u horeeyay ayaa xubnaha guddiga waxa ay la qaateen, Xildhibaan Sheekh Cismaan Jawaari iyo Xildhibaan Idriis Cabdi Dhaqtar oo labaduba u sharaxan xilka Guddoomiyaha Barlamanka.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Guddoomiyihii hore ee Barlamanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku yaboohay guddiga 10,000 oo dollar halka Idriis Cabdi Dhaqtar uu bixiyay 1,000 Dollar oo loogu tala galay abaaraha.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in kaalintiisa uu ka qaato gurmadka, uuna rajeyno deeqdaan la gaarsiin doono dadkii loogu talagalay.

Dhanka kale Xildhibaan Idriis Cabdi Dhaqtar ayaa ku booriyay Xildhibaanada kale in ay ka qeyb qaataan samafalka dadka la tacaalaya abaarta.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed oo xubin ka ah guddiga Abaaraha ayaa ku boorisay bulshada in laga wada qeyb qaato abaarta.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Culimada, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa dhankiisa ifiyay waxa ay shareecadda Islaamka ka qabto, bulshadana ku booriyay inay ka qeyb qaataan gurmad gaarsiinta dadka ay abaartu saameysay.

Wasiirkii hore ee Beeraha Cabdi Axmed Baafo oo ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa kaga mahad celiyay musharaxiinta Guddoomiyaha barlamaanka sida ay uga  jawaabeen baaqooda.

Tan iyo markii ay abaarta ku dhufatay gobolo badan oo ka tirsan Dalka, waxaa soo baxayay baaqyada ay jeedinayaan  qeybaha bulshada ee loogu gurmanayo Dadka ay abaaruhu saameeyeen.

,

Previous Post

Taliyaha Xoogga ee Ugaandha oo Safar ku tegay Baraawe

Next Post

Xildhibaanno ka qeyb galay dhallinyaro la barayo xirfado ay ku shaqeystaan “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaanno ka qeyb galay dhallinyaro la barayo xirfado ay ku shaqeystaan “SAWIRRO”

Xildhibaanno ka qeyb galay dhallinyaro la barayo xirfado ay ku shaqeystaan "SAWIRRO"

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In