Midowga Yurub ayaa kaalmo lacageed ugu yaboohay Dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, taas oo loogu tala galay in wax looga qabto xaaladaha biniโaadanimo.
Waddamo Afrikaan ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay ayey ugu deeqayaan Sideed iyo labaatan( 28) malyan oo lacagta ย Euro ah taas oo wax looga qabanayo xaaladaha Bini,aadannimo ee ka jira Waddamadaas.
10 milyan oo lacagtaas ka mid ah Midowga Yurub waxa uu ย ku wareejin Doonaa Xukuumadda Soomaaliya Bilaha Soo socda, si wax looga qabto xaaladaha Caafimaadka, Abaaraha iyo Duruufaha kale ee ka jira Dalka.
Midowga Yurub waxa uu ka mid yahayย Hay,adaha Caalamiga ah ee Siyaasad ahaan iyo Dhaqaale ahaan taageera Soomaaliya, iyadoo dhowr jeer oo hore ย qabatay Shirarย lagu taageerayo Arrimaha Soomaliya.