Sunday, April 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin loo kala magacaabay degmooyin Hirshabeele ka tirsan

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin loo kala magacaabay degmooyin Hirshabeele ka tirsan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble, ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ugu horeyn madaxweynaha Hirshabeele ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii degmada Beledweyne Maxamed Cabdi Cismaan Qalaafow isagoo xilkaas u magacaabay Maxamed Axmed Ibraahim, sidoo kale waxaa xilka guddoomiye ku xigeenka degmada laga qaaday Muuse Cabdi  Daahiye, iyadoo lagu bedeley Qadar Xasan Afrax.

Related posts

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

April 19, 2026
Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

April 19, 2026

Wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabeele ayaa sidoo kale waxaa  xilka  looga qaaday guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee degmada Matabaan  Sheekh-doon Faarax Waare, iyadoo lagu bedeley  Ducaale Aadan Cabdi ( Garaaso)

Madaxweynaha maamulka Hirshabeele ayaa wada dib u habeyn uu ku sameynayo maamulada degmooyinka, isagoo horey u bedeley guddoomiyihiin gobolka Hiiraan isla markaana guddoomiye cusub u magacaabay gobolkaas.

Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah madax weynaha Hirshabeele ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha Samafalka ugu baaqay inay gargaar deg deg ah la gaaraan dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deenaada Hirshabeelle.

Previous Post

Raggii ka dambeeyay weerarkii Masjidka Nabigeena oo la diley

Next Post

In ka badan Laba Milyan Haweyn Carmal ah oo ku sugan Ciraaq

Next Post
In ka badan Laba Milyan Haweyn Carmal ah oo ku sugan Ciraaq

In ka badan Laba Milyan Haweyn Carmal ah oo ku sugan Ciraaq

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Qatar, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Jamhuuriyadda Suudaan, Dowladda...

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS, Mudane Ismaaciil Ciid Maxamed ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay'adda Socdaalka iyo...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

April 18, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In