Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin loo kala magacaabay degmooyin Hirshabeele ka tirsan

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin loo kala magacaabay degmooyin Hirshabeele ka tirsan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble, ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ugu horeyn madaxweynaha Hirshabeele ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii degmada Beledweyne Maxamed Cabdi Cismaan Qalaafow isagoo xilkaas u magacaabay Maxamed Axmed Ibraahim, sidoo kale waxaa xilka guddoomiye ku xigeenka degmada laga qaaday Muuse Cabdi  Daahiye, iyadoo lagu bedeley Qadar Xasan Afrax.

Related posts

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025

Wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabeele ayaa sidoo kale waxaa  xilka  looga qaaday guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee degmada Matabaan  Sheekh-doon Faarax Waare, iyadoo lagu bedeley  Ducaale Aadan Cabdi ( Garaaso)

Madaxweynaha maamulka Hirshabeele ayaa wada dib u habeyn uu ku sameynayo maamulada degmooyinka, isagoo horey u bedeley guddoomiyihiin gobolka Hiiraan isla markaana guddoomiye cusub u magacaabay gobolkaas.

Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah madax weynaha Hirshabeele ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha Samafalka ugu baaqay inay gargaar deg deg ah la gaaraan dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deenaada Hirshabeelle.

Previous Post

Raggii ka dambeeyay weerarkii Masjidka Nabigeena oo la diley

Next Post

In ka badan Laba Milyan Haweyn Carmal ah oo ku sugan Ciraaq

Next Post
In ka badan Laba Milyan Haweyn Carmal ah oo ku sugan Ciraaq

In ka badan Laba Milyan Haweyn Carmal ah oo ku sugan Ciraaq

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga soo xulista Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In