Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Raggii ka dambeeyay weerarkii Masjidka Nabigeena oo la diley

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Raggii ka dambeeyay weerarkii Masjidka Nabigeena oo la diley
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Labadii  nin ee ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Masjidka Nabigeena Muxamed NNKH ee magaalada Barakeysan ee Madiina ayaa lagu diley is rasaaseyn ka dhacday magaalada Riyaad ee dalka boqortooyada Sacuudiga.

Tayea Salem Yaslam Al-Sayari, ayaa waxaa diley ciidanka amniga dalka Sacuudiga kaas oo maleegey shirqoolkii lagu weeraray Masjidka Nabigeena Muxamed NNKH, sanadkii la soo dhaafay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Al-Sayari, ayaa la sheegay in uu ahaa qofka sameeyay suunkii ka sameysnaa qarax ee lala galay Masjidka , isagoo sidoo kale diyaariyay qaraxyadii lala eegtay Isbitaalka  Dr. Soliman Fakeeh oo ku yaala magaalada Jaddeh  4 bishii Luul , 2016, sidoo kale waxaa uu ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday isbitaal ay leeyihiin ciidanka gaarka ah ee Sacuudiga oo ku yaala magaalada Abha ee koofurta dalkaas, 9 August ee sanadkii 2015.

Laamaha amniga ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa ay sheegeen in  Al-Sayari, uu yahay nin khatar ah isla markaana ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan ururka Daacish kuna takhasusay sameynta qaraxyada.

Ninka labaad ayaa ahaa Talal Bin Samran Al-Saedi, iyadoo howlgalka lagu diley labadaan nin uu ka dhacay degmada Yasmeen oo ku taala waqooyiga magaalada Riyaad.

Labadaan nin ayaa waxaa ay yihiin muwaadiniin u dhashay boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Markii ay ciidanka amniga weydiisteen in ay isa soo dhiibaan ayay bilaabeen in ay iska caabin sameeyaan isla markaana ay isku dayaan in ay baxsadaan ayaa la toogtay labada nin ee la baadi goobayay, waxaana ay xirnaayeen walxaha qarax, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradd arimaha gudaha Maj. Gen. Mansour Al-Turki oo shir jaraa’id qabtay.

Ma jiro ilaa iyo hadda qof rayid ah oo ay waxyeelo soo gartay intii howlgalka uu socday, hase yeeshee mid kamid ah askarta howlgalka sameysay ayaa dhaawac fudud soo gaaray.

Guriga ay deganaayeen labadan ruux ayaa laga heley dhowr qori, bomka gacanta lagu farsameeyay iyo suun qaraxa ka sameysan.

“Tayea Al-Sayari ayaa ahaa arday minxo waxbarasho ka heley dalka New Zealand isagoo bartay maadada Engineering-ka. Waxaa uu intaa ka dib uu aaday dalka Suuriya oo uu ku biiray Daacish, isagoo tagay dalka Turkiga oo muddo kadibna u safray Suudaan oo kadibna dalka Yemen yimid, markaas kadib ayuu ku soo laabtay dalka Sacuudi Carabiya isagoo qorsheeyay weeraro argagaxiso,” sidaa waxaa sheegay saraakiil Sacuudiga u dhashay.

 

Previous Post

In ka badan 100-Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu xiray wadanka Suudaan

Next Post

Mas’uuliyiin loo kala magacaabay degmooyin Hirshabeele ka tirsan

Next Post
Mas’uuliyiin loo kala magacaabay degmooyin Hirshabeele ka tirsan

Mas'uuliyiin loo kala magacaabay degmooyin Hirshabeele ka tirsan

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In