Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Tacsiyeeyay Dilka Taliyaha Qeybta Boliiska Sh Dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Tacsiyeeyay Dilka Taliyaha Qeybta Boliiska Sh Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble,Madaxweyne Ku Xigeenka Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe, Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane  Cismaan Barre iyo labadiisa ku xigeen, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe Axmed Meyre Makaraan, iyo Guud ahaan Shacbiga Hirshabeelle,ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Allaha u naxariistee Taliyaha qeybta Boliiska Gobolka Shabeelaha Dhexe Gaashaanle dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye oo Caawa ugu geeriyooday Jowhar Bam gacmeed kooxaha Nabad diidka ay ku weerareen .

 

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Madaxweynaha Dawladda Hirshabeelle  Mudane Cosoble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka Hirshabeelle iyo ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Shabeelaha dhexe Marxuum Khaliif  Carfaaye oo kooxda Nabad diidka ay ku tureen Bam gacmeed Xarunta Taliska Qeybta ee Magaalada Jowhar, isagoo u rajeeyay intii wax ku noqotay in ilaah caafimaad deg deg ah uu siiyo.

 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay In Marxuumka  uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday Dawladda  iyo shacabka Hirshabeelle islamarkaana u hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka Dawliga ah, iyo Xaqiijinta Amniga.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Mas’uuliyiinta Maamulka ayaa  sidoo kale sheegay in dhamaan laamaha amniga ee Hirshabeelle ay gacan bir ah kusoo qaban doonaan kooxihii ka dambeeyay dilka loo gaystay alle ha u naxariistee Taliyaha islamarkaana dhagar qabayaasha Al-shabaab ee Bamkaasi ku  tuuray sharciga la horgeyn doono, waxaana Madaxweynaha Hey’adaha Ammaanka Hirshabeelle uu faray in baaritaan dhab ah dhacdadani ay ka sameeyaan.

 

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Hirshabeelle inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meelna uga soo wada jeestaan cadowga Umadda Soomaaliyeed oo arga-gixisada Al-shabaab ay ka mid yihiin. islamarkaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga sidoo kalena ay iska hubiyaan cid kasta oo kusoo dhex dhuumaneysa.

—–Dhamaad—–

Previous Post

RW Ku-Xigeenka dalka oo warbixin ka dhageystay guddiga abaaraha ee heer Qaran

Next Post

Daawo Sawirada:Safiirka Soomaaliya u fadhiya Djibouti oo casho sharaf u sameeyey Wafdi ka Socday Wasaaradda warfaafinta iyo dalxiiska ee Soomaaliya.

Next Post
Daawo Sawirada:Safiirka Soomaaliya u fadhiya Djibouti oo casho sharaf u sameeyey Wafdi ka Socday Wasaaradda warfaafinta iyo dalxiiska ee Soomaaliya.

Daawo Sawirada:Safiirka Soomaaliya u fadhiya Djibouti oo casho sharaf u sameeyey Wafdi ka Socday Wasaaradda warfaafinta iyo dalxiiska ee Soomaaliya.

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In