Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ahna guddoomiye ku xigeenka maaliyadda gobolka Banaadir ayaa dalka Koofur Africa u yimid socdaal shaqo oo la xariira hanaanka shaqo ee suuqyada caalamka iyo sida looga faa’iideysto dhulka banaan ee ku habboon in laga sameeyo ganacsiga iyo fursadaha la xariira .
Waxaa socdaalkaan shaqo soo agaasimay hey’adda UN Habitat oo Maamulka Gobolka gobolka Banaadir kala shaqeysa Dhinacyo badan oo la xariira Suuqyada, dhulka banaan ee dadweynaha ku nastaan goobaha lagu cayaaro iyo waliba dhalinyarada Dowladaha hoose ee magaalooyinka Johannesburg iyo Durban ayaana marti galiyay wafdigaani sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir Ismaaciil Macalin Cabdi Guure.
“Imaantin keena South Africa Ujeediisa waxaa ay aheyd in aan ka faa’iideysano Khibrada dhanka Suuq yada Dowlada Hoose ee magaalada Johannesburg oo na marti galisay anaga oo ka socona dowlada hoose ee xamar waxaa ay bixisaa adeeg yo badan oo ay ka mid tahay suuq yada si aan ugu tagno dad naga khibrad badan ayaa hey’ada UN habitat waxaa ay noo doortay magaalooyinka Johannesburg iyo Darban ee Dalkaan South Africa”
Cismaaciil Macalin Cabdi Guure waxaa uu intaasi ku daray in Xariirka labada magaalo uu yahay mid bilow ah ayna rajeynayaan in ay sii xoojiyaan si wax badan ay isku dhaafsadaan labada dowladood ee Soomaaliya iyo South Africa.
“Dabcan hada Xariirkeena bilow waaye waxaan rajeyneynaa in aan xoojino oo aan gaarsiino in aan kala faa’iideysano ayagana noo yimaadaan runtii markaa ka sheekeynaynay magaalada Muqdisho wax badan iska badaleen sidii hore wax badan oo ayaga ku cusubna aan u gudbinay marka waa laga yaaba in wax badan is dhaafsano”
Dhanka Kale waxaa uu Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee gobolka banaadir ahna gudoomiye ku xigeenka Maaliyada sheegay in Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan koofur Africa la doonayo in ay qeyb ka noqdaan horumarka ka jira dalka ayna ka qeyb qaataan barnaamijka hal dollar ku dhiso dalkaada.
“Waxyaabaha aan dooneyno in aaan kala hadalno waxaa ugu muhimsan xaalada dalka,horumarka socda caasimada iyo iskaashiga bulshada Soomaaliyeed ee lagu so celinayo bilicda magaalada marka jaaliyada South Africa waxaan ka dooneynaa waa in ay qeyb ka noqdaan ugu yaraan hal ama labo wadao ay qaataan dayactirkooda sido kale ay maalgashtaan suuqyada magaalada”
Inta uu joogo dalkaan Koofur Africa wafdiga marka ay u dhamaato howlaha ay u yimaadaan waxaa ay kulan la qaadan doonaan jaaliyadaha Soomaalida ee magaalooyinka Darban iyo Johannesburg kuwaa oo ay kala hadli doonaan xaalada guud ee uu marayo dalka Soomaaliya.
C/laahi Qorshe Johannesbur South Africa