Friday, June 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta oo Kuwait uga qeyb galaya shir muhiim ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta oo Kuwait uga qeyb galaya shir muhiim ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdiga Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga oo uu hoggaaminayo Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow waxaa Garoonka Dayuuradaha Kuwait ku soo dhaweeyay Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kuwait Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh oo ay wehliyan Lataliyaha Koowaad ahna Ku xigeenka Danjireha Mudane Abiib Muuse Faarax iyo Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda.

Socdaalka Wafdiga Wasiir Ku Xigeenka Qorsheynta & Iskaashiga Caalamaiga ayaa waxaa ku wehlinaya qaar ka mid ah Agaasimeyaasha waaxyaha ee Wasaaradda, waxaana ay la xiriira ka qeybgalka Shirweynaha Sanadlaha ah ee Wadamada xubnaha ka ah Machadka Carbeed ee Arrimaha Qorsheynta kaas oo xaruntiisu tahay Caasimadda Kuwait.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Wafdiga Wasiirk Ku-xigeenka Mudane Prof. Qaloocow ayaa lagu wadaa inta ay joogan Dalka Kuwait in ay la kulmaan Madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Kuwait iyo Wafuud kale oo shirka ka soo qeybgaleysa. Sidoo kale, Wafdigu waxa uu kulan ballaaran la qaadan doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Kuwait.

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kuwait ayaa door muuqda ka qaatay xoojinta xiriirka labada Dal, taas oo ay daliil cad u tahay wafuuda tirada badan ee Soomaaliyeed ee muddo sanad ah gudeheeda booqday Kuwait, Wafuuda heerka sare ee sanadkii tagay booqday Kuwait waxaa kamid ah Wasiirka Difaaca oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Dufcad Xeer Ilaaliyeyaal ah oo tababar xagga Qaanuunka ah ku qaatay Machadka Tababarada Adeega Garsoorka ee Dalka Kuwait.

1 2 3 4 5 7 8 10

Previous Post

Maleeshiyada Al-Shabaab oo weerartay Hotel ku yaala Muqdisho

Next Post

Howlgalkii Hotel Dayax oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Next Post
Howlgalkii Hotel Dayax oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Howlgalkii Hotel Dayax oo la soo gabo gabeeyay "SAWIRRO"

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In