Saturday, February 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Cabdiqaadir Kheyraat oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay abaartu saameysay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Cabdiqaadir Kheyraat oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay abaartu saameysay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abdikadir

Xildhibaan Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan (Kheyraat) oo ka mid ah Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo dadkii ay saameynta ku yeelatay abaarta ka jirta qeybo kamid ah dalka, gaar ahaan deegaannada dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026

Xildhibaan Cabdiqaadir Kheyraat oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in abaaro baahsan ay ka jiraan qeybo ka mid ah dalka, waxaana uu intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax heysta ay isu gurmadaan, isla markaana ay caawiyaan walaalahood ay abaartu saameysay.

Xildhibaan Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan ayaa tilmaamay in Xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabeelle  ay sameyn doonaan kulan looga hadlayo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku habsatay abaarta.

“Waxaan ugu baaqayaa dowlad goboleedka Hirshabeelle oo aan ka mid ahay, dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo beesha caalamka inay gurmad gaarsiiyaan dadka abaartu saameysay” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Xildhibaan Kheyraat ayaa horey kulamo looga hadlayo sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka ay abaartu saameysay la qaatay qeybaha bulshada ee Jowhar ku nool.

Previous Post

Wasiirka amniga “Toban ayaa ku dhimatay 51 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarkii Hotel Dayax”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Tacsi U Diray Dadkii Ku Geeriyooday Qaraxii Hotel Dayax

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Tacsi U Diray Dadkii Ku Geeriyooday Qaraxii Hotel Dayax

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
0

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maalinimadii shalay cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland,iyagoo ku dhawaaqay in tallaabadaasi ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In