Thursday, February 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer ilaaliyaha qaranka oo ka hadlay go’aanka la filayo labada Fibraayo

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sheegay iney India kala hadleen dib u soo celinta maxaabiis Soomaali ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labada bisha Fibraayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ay go’aan ka gaari doonto dacwadii dhanka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dr. Axmed Cali Daahir, xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda laga sugayo uu yahay oo kali ah in maxkamadda ay awood u leedahay dhageysiga dacwadan iyo inkale maadaama dowladda Kenya ay is- hor-istaag ku sameysay dacwada Soomaaliya ay maxkamaddu u gudbisay.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Golaha Nabadda iyo Amniga AU ee AUSSOM iyo Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Golaha Nabadda iyo Amniga AU ee AUSSOM iyo Suudaan

February 12, 2026
Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

February 12, 2026

“Go’aanka labada bisha waxaa uu noqoneyaa oo kali ah in maxkamadda soo saarto in ay awood u leedahay dhageysiga dacwadan iyo in aysan awood u laheyd oo dib loogu soo celiyo arinta oo labada dowladood ay ka wada hadlaan,”  ayuu yiri xeer ilaaliyaha.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, ayaa sidoo kale, ka hadlay dooda dowladda Kenya oo aheyd in heshiiskii is-afgaradka ahaa ee  labada dowladood kala saxiixdeen 2009kii uu tilmaamayo in muranka dhanka badda ah labada dhinac ay ka wada hadlaan oo aanan loo baahneyn in maxkamad la geeyo arinta.

Sidoo kale, xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in heshiiskii is-afgaradka ahaa u jeedadiisu aheyd in labada dowladood warbixinada la xiriira qalfoof-badeedkooda u gudbiyaan hey’adda Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha badaha caalamka, isla markaana laga gaaray dantii laga lahaa heshiiskaas uusana hadda shaqeyneynin.

Dr.Axmed Cali Daahir, xeer ilaaliyaha qaranka, oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale, xusay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya arinta muranka badda tiro ka sadex jeer ah ay ka wada hadleen oo heer wasiir arimo dibadeed isla markaana la isku fahmi waayay taasina ay keenya Soomaaliya ay dacwadda u gudbiyo maxkamadda Cadaalada Caalamka ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands.

Ugu dambeyntii xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in go’aanka labada Fibraayo ay soo saari doonto maxkamadda uu noqon doono mid ka farxiya dadka Soomaaliyeed, maadaama Soomaaliya maxkamadda horgeysay cadeymo biyo kama dhibcaan ah.

Previous Post

Jaaliyada Soomaaliya ee Pakistan oo gudoomiye cusub doortay-Sawirro

Next Post

In ka badan 15 ruux oo u geeriyooday biyo ay cabbeen darteed

Next Post
In ka badan 15 ruux oo u geeriyooday biyo ay cabbeen darteed

In ka badan 15 ruux oo u geeriyooday biyo ay cabbeen darteed

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Golaha Nabadda iyo Amniga AU ee AUSSOM iyo Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Golaha Nabadda iyo Amniga AU ee AUSSOM iyo Suudaan

February 12, 2026
0

Mudane Cabdisalaam Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta xarunta Midowga Afrika ee...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

February 12, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo booqasho rasmi ah ku...

Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo Qaar ka mid ah Ciidanka XDS ka saaray liiska Ciidannimada

Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo Qaar ka mid ah Ciidanka XDS ka saaray liiska Ciidannimada

February 12, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed la socodsiinaysaa in, kaddib baaritaanno iyo tallaabooyin anshaxeed oo...

Shirkii 5aad ee Madasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee Mashruuca SERP oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi

Shirkii 5aad ee Madasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee Mashruuca SERP oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi

February 12, 2026
0

Nairobi, Febraayo 12, 2026 — Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Nairobi loogu soo gabagabeeyay Shirkii 5aad ee Madasha Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In