Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa magcbaay Ra’iisul wasaarihiisa cusub kaddib wadatashiyo uu la sameyey qeybaha bulshada Soomaaliyeed.
Magcaabidda Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaa joob-joog ka ahaa guddoomiyahaย golaha shacabka Soomaaliyeed, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), waxaana magcaabidda Akhriyey Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Soomaaliyaย Cali Fiqi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhankiisa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dalka laga saaro xaaladda uu ku sugan yahay, lana dhiso dowladdii shacabka ay u baahnaayeen, sidaas darteedna uu Xasan Cali Kheyre ย u magcaabay Ra’iisul wasaraha Jamhuuriyadda, sidoo kale waxa uu ka codsaday Barlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay kalsoonooda siiyaan, si dalka loo gaarsiiyoย horumar, loona dhiso dowladnimada Soomaaliyeed.
ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha la magcaabay, Mudane Xasan Cali Kheyre ย ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Jamhuuriyaddaย xilka uu u magcaabay, sidoo kale waxa uuย tilmaamay in si dhaqsa ah uu ku soo dhisi doonoย dowladda shacbiga ka turjumeysa haddii uu heloย kalsoonida Barlamaanka.

















