Saturday, August 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobalka Mudug oo Bilaabay Biyo Dhaamin Socon Doonta Muddo Bil ah ‘SAWIRO’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 28, 2017
in Wararka
0
Maamulka Gobalka Mudug oo Bilaabay Biyo Dhaamin Socon Doonta Muddo Bil ah ‘SAWIRO’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gurmadkaan biyo dhaamintaa oo socon doona muddo bil ah isla markaana ay maal galineyso Hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM ayaa maamulka gobalka Mudug ee Galmudug waxa uu ka bilaabay qaar ka mid ah deegaanada gobalka. kuwaasi oo ay ka jiraan biyo la’aan heysata dadka iyo duunyada goobahaasi ku nool.

Cawil Nuur Gufaaco oo ku hadlayay magaca Hay’adda barnaamijkan maal galineysaa ee IOM ayaa usharaxay warbaahinta Qaranka tirada goobaha loogu tala galay in la gaarsiiyo Biyo Dhaamintaan, waxaana uu yiri (Maanta waxaan joognaa deegaanka Gal cadale oo ka tirsan dagmada Hobyo ee Gobalka Mudug oo aan ka wadno biyo dhaamis ay bixisay Hay’adda IOM Hay’adda oo bilowday 25-kii Febaraayo kuwaasi oo ku eg 25 Maarso biyaha
dhaamintana hay’addu waxay ka wadaa 23 goobood oo ka tirsan Gobalka Mudug, waxaan rajeynayaa in talaabadaan ay yareyn doonto baahida biyood ee heysta dadka ay abaartu saameeysay).
Qaar ka mida dadkii biyo dhaaminta loo sameeyay ayaa iyagu dhankooda ka mahad celiyay, iyagoo xusay in ay baahi weyn u qabeen iyagoo dhanka kalena xusay in biyo dhaaminta loo sameeyay iyo gurmadyada kale ee soo gaaray aysan ku filneyn baahidooda ayna codsanayaan in lasoo gaarsiiyo taakuleyn intaan ka badan.
Guddoomiye ku xigeenka Arimaha maamulka iyo maaliyadda Gobalka Mudug Axmed Maxamed Shire (Qoodaar) ayaa mahad celin kadib sheegay in ay jiraan baahiyo intaan ka badan loona baahan yahay in la kordhiyo biyo dhaaminta iyo Gurmadyada kale ee  loo sameynayo dadka ay abaartu wax yeeleeysay.
Gurmadyadaan loo sameynayo Qoysaska ay abaaruhu saameeyeen ayaa ah kuwo aan dabooli karin baahida heysata kumanaanka Qoys ee ku xoola beelay abaaraha ka jira Gobalka Mudug, maadaama abaartu ay bulshada gobalka Mudug iyo guud ahaan Soomaaliya ay u saameysay si isku mid ah dhamaantoodna ay u baahan yihiin in la samata bixiyo dadka mar haddii ay ka dhamaadeen intooda badan xoolihii ay dhaqan jireen isla markaana
udub dhaxaadka u ahaa nolashooda

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

August 2, 2025
Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025

Waxaa Diyaariyay Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (C/risaaq Galkacyo)

Previous Post

Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka oo si weyn uga hadlay abaaraha dalka ka jira “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’addu ku qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya...

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

August 2, 2025
0

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, ayaa lagu eedeeyay dil kas ah...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In