Saturday, August 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka oo si weyn uga hadlay abaaraha dalka ka jira “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 28, 2017
in Wararka
0
Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka oo si weyn uga hadlay abaaraha dalka ka jira “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

August 2, 2025
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa furay shirka gurmadka Abaaraha Soomaaliya ee u dhaxeeyey beesha caalamka iyo dowladda Federaalka Sooomaaliya.
Madaxweynaha oo furay shirka gurmadka abaaraha, ayaa kudbaddiisa uga hadlay khatarta abaarta ka jirta gobollada Soomaaliya  iyo  haddii aan wax laga qaban dhibaatada ka dhallan karta, madaxweynaha ayaa sheegay in halista ugu daran ay  tahay haweenka iyo carruurta ay saameysay arrintaasi, isla markaana ay waajib ku tahay dowladda oo kaashaneysa saaxiibadeeda beesha caalamka in si deg deg ah looga jawaabo oo gurmad la helo, abaarta waxa ay si la mid ah dadka u sameysay xoolaha iyo kaabayaashii kale sida biyaha iyo beeraha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka May ka dhici doona London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo in ay geyn dooni istaraatiijiyad cad oo ay dowladda ka leedahay abaaraha soo laa laabtay, waxa uu ugu baaqay Midowga Africa, Midowga Yurub, OIC iyo saaxiibada caalamka in ay kala qeyb-qaataan badbaadinta nolosha dad badan oo Soomaaliyeed,  madaxweynuhu waxa uu xusay in abaarta ay gobolka oo dhan ka jirto, laakiin Soomaaliya ay u nugushahay xilligaan, waxa uu si gaar ah uga hadlay in muhiimaddu ay tahay in gurmadka laga bilaabo waxyaabaha aas-saasiga u ah nolosha bini’aadamka.
Shirka waxaa joogey dowlad gobolleedyada Soomaaliya, wakiilladii u hadlay ayaa ka war-bixiyey xaaladaha daran ee abaarta, wakiillada Koonfur Galbeed waxa ay sheegeen in xaaladdu ay ku sii socoto Macluul meelaha qaarna ay dad badan ugu dhinteen.
Dhinaca kale wakiillada beesha caalamka, ayaa sameeyey ballan-qaadyo ay ku sheegeen in si deg deg ah loo fulinayo, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte ahna guddoomiyaha guddiga Gurmadka Qaran ee abaaraha, ayaa  ka warramay natiijada ka soo baxdey shirkii maanta ee gurmadka abaaraha Soomaaliya looga hadlayey.
Hey’addaha gargaarka ayaa sheegaya in illaa 600,00 oo caruur ah ay qatar ugu jiraan xaalad nafaqo darro, iyadoo loo baahan yahay in la gaarsiiyo gargaar deg deg ah, dadka Soomaaliyeedna waajib gaar ah ayaa ka saaran gurmadkaan.
Ilaa bisha June xaaladda abaarta waxa ay  gaari doontaa 5.5 Milyan, Q.M waxa ay sheegtay in ay dalbeed lacag dhan 825 Milyan oo dollar  si gurmad dadka loogu gaarsiiyo haddan ay soo gaartay 75 Milyan.
Previous Post

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya oo Magacaabay la taliyahiisa Dhanka Arimaha Bulshada.

Next Post

Maamulka Gobalka Mudug oo Bilaabay Biyo Dhaamin Socon Doonta Muddo Bil ah ‘SAWIRO’

Next Post
Maamulka Gobalka Mudug oo Bilaabay Biyo Dhaamin Socon Doonta Muddo Bil ah ‘SAWIRO’

Maamulka Gobalka Mudug oo Bilaabay Biyo Dhaamin Socon Doonta Muddo Bil ah 'SAWIRO'

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

August 2, 2025
0

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, ayaa lagu eedeeyay dil kas ah...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In