Saturday, May 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Xaflad lagu taageerayay madaxda Qaranka oo lagu qabtay Nairobi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Xaflad lagu taageerayay madaxda Qaranka oo lagu qabtay Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay madaxda Qaranka  ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarrunta wadanka Kenya, waxaana munaasabadda ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xafladda oo aheyd mid si heer sare  ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi, waxaana taageero iyo hambalyo loo muujiyay madaxda Qaranka ee dalkeena Soomaaliya.

Related posts

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya, Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya, siyaasiyiin, aqoonyahanno, waxgarad, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo furay munaasabadda ayaa sheegay in dowladda cusub ee Soomaaliya ay ka go’antahay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed , waxaana sidoo kale goobta ka hadlay xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo dadkii munaasabadda isugu yimid ka codsaday  in ay dowladda dhaqaale ku taageeraan, Aadan Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, ayaa tilmaamay in dowladda Kenya ay ka go’antahay in ay si dhow ula shaqeeyso Soomaaliya.

intii ay socotay xafladda ayaa qadka taleefoonka waxaa uga qeybgalay Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, isagoo  u mahad celiyay dadkii xafladda isugu yimid, waxaana  uu tilmaamay in dowladda uu dhisi doono ay ka shaqeyn doonto midnimada ummadda iyo samatabixinta dalka, ayna ka fogaan doonto wax walba oo isku dhac keeni kara.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbalan oo dib Ugu Laabtay Kismaayo

Next Post

Erdogan oo sheegay in uu ka qeyb qaadanayo gurmadka abaarta ka jirta Soomaaliya

Next Post
Erdogan oo sheegay in uu ka qeyb qaadanayo gurmadka abaarta ka jirta Soomaaliya

Erdogan oo sheegay in uu ka qeyb qaadanayo gurmadka abaarta ka jirta Soomaaliya

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood ee ka haray xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee...

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In