Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Xaflad lagu taageerayay madaxda Qaranka oo lagu qabtay Nairobi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Xaflad lagu taageerayay madaxda Qaranka oo lagu qabtay Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay madaxda Qaranka  ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarrunta wadanka Kenya, waxaana munaasabadda ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xafladda oo aheyd mid si heer sare  ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi, waxaana taageero iyo hambalyo loo muujiyay madaxda Qaranka ee dalkeena Soomaaliya.

Related posts

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya, Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya, siyaasiyiin, aqoonyahanno, waxgarad, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo furay munaasabadda ayaa sheegay in dowladda cusub ee Soomaaliya ay ka go’antahay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed , waxaana sidoo kale goobta ka hadlay xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo dadkii munaasabadda isugu yimid ka codsaday  in ay dowladda dhaqaale ku taageeraan, Aadan Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, ayaa tilmaamay in dowladda Kenya ay ka go’antahay in ay si dhow ula shaqeeyso Soomaaliya.

intii ay socotay xafladda ayaa qadka taleefoonka waxaa uga qeybgalay Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, isagoo  u mahad celiyay dadkii xafladda isugu yimid, waxaana  uu tilmaamay in dowladda uu dhisi doono ay ka shaqeyn doonto midnimada ummadda iyo samatabixinta dalka, ayna ka fogaan doonto wax walba oo isku dhac keeni kara.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbalan oo dib Ugu Laabtay Kismaayo

Next Post

Erdogan oo sheegay in uu ka qeyb qaadanayo gurmadka abaarta ka jirta Soomaaliya

Next Post
Erdogan oo sheegay in uu ka qeyb qaadanayo gurmadka abaarta ka jirta Soomaaliya

Erdogan oo sheegay in uu ka qeyb qaadanayo gurmadka abaarta ka jirta Soomaaliya

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In