Kulan dhaxmaray safiirka Jamhuuriyada Fadaralka ah ee Soomaaliya Koofur Sudan mudane Xuseen Xaji Axmed iyo Wasiirka arimaha Dibada ee wadanka Koofur Sudan Deng Alor Kuol oo ka dhacay xafiiska wasiirka ayaa looga hadalay sare u qaadida xariirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca diblomasiyada ee shirarka caalamiga ah.
Danjiraha dowlada Soomaaliya ee wadanka Koofur Sudan mudane Xuseen Xaji Axmed oo ay wehliyaan Diblomasiyiinta Safaarada ayaa uga mahadceliyay dowlada iyo shacabka Koofur Sudan soo dhaweynta ay u fidiyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dhaman gobolada wadankan.
Ugu dambeyn Wasiirka arimaha Dibada ee wadanka Koofur Sudan Deng Alor Kuol ayaa soo dhaweeyay doorashadi ka dhacday dalkeen kuna tilmaamay guul u soo hoyotay qaarada Afrika,waxa uuna amaanay jaaliyada Soomaaliyeed ku ku sugan wadanka asiga oo ku tilmaamay in ay yihiin jaaliyada ugu wanagaasan jaaliyadaha kale ee kunool dalkan Koofur Sudan.
Ahmed Lafoole
Juba South Sudan