Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaabiista Xabsiga Dhexe ku xiran oo loo sameeyey Akoono Mushaarkooda loogu shubo (SAWIRRO)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 29, 2017
in Wararka
0
Maxaabiista Xabsiga Dhexe ku xiran oo loo sameeyey Akoono Mushaarkooda loogu shubo (SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal Horumarineed oo si xowli ah ku socda, iyadoo Maxaabiista ku xiran ay heleen Waxbarasho Noocyadeeda kala duwan iyo in Farsamada Gacanta oo la barro, waxaana Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed dalka dibadiisa uu ka keenay Warshado loogu tala galay in Farsamada Maxaabiista lagu baro, ayna ku shaqeystaan.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo u faa’iideynaya Maxaabiista, meeshana  ka   saarayo  in Maxbuuska Xoriyadda laga qaado ayaa waxa uu sameeyey in Maxaabiista Shaqeyneysa ee la baray Farsamada gacanta la siiyo Mushaar joogta ah, iyagoo Maanta loo sameeyey Acount  Bank oo Mushaaraadka loogu shubayo.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025

Madaxa Hoggaanka Lacagta ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed G/sare Xuseen Daahir  Sheer, ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay in Maxbuuska Warshadda Tababarka ka shaqeynaya la siiyo Mushaar joogto ah ay tahay in dhiiri gelin loo sameeyo, islamarkaana laga wacyi geliyo Waxyaabihii Xumaa ee lagu soo xiray, markii Xabsiga uu ka baxana, uu noqdo Shaqsi Xirfad leh oo heysta Lacag uu ku shaqeysan karo.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay  in Dhammaan Xabsiyada Dalka ku yaala qorshaha uu yahay sidii Adeegyo Horumarineed looga hirgelin lahaa, waxaana Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu sheegay in marnaba raali aysan ka aheyn in Maxbuuska la ciqaabo, taasi badalkeedana ay diyaar u yihiin in Qofka Xoriyadda heysta Waxyaabaha Noloshiisa ay u baahan tahay, si la mid ah in maxbuuska Xabsiga ku jira uu isna helo.

—DHAMMAAD—

            

Previous Post

Banaan bax ka dhan ah jinsi naceybka oo ka dhacay Koonfur Afrika

Next Post

Safiirka Soomaaliya Ee Wadanka Malaysia oo ka Mid Noqday Safiir sharafeed soo dhaweeyay Madaxweynaha Faransiiska

Next Post
Safiirka Soomaaliya Ee Wadanka Malaysia oo ka Mid Noqday Safiir sharafeed soo dhaweeyay Madaxweynaha Faransiiska

Safiirka Soomaaliya Ee Wadanka Malaysia oo ka Mid Noqday Safiir sharafeed soo dhaweeyay Madaxweynaha Faransiiska

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan casho-sharaf ah kula yeeshay Agaasimaha...

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo miro dhal ah kula yeeshay magaalada Addis-ababa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In