Friday, June 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka oo la doortay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa doortay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogta ah ee golaha Shacabka.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigenka labaad ee golaha Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa lagu doortay ilaa iyo shan guddi iyo ku-xigeenadooda.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Cabdifataax Ismaaciil Daahir ayaa waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Howlaha guud, Dekadaha iyo Gaadiidka, Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka ee Baarlamaanka, Gudoomiyaha guddiga xaqiiqo raadinta, dib u heshisiinta iyo Hanti isu celinta waxaa loo doortay Xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi, Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga arrimaha dibadda iyo XIldhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo loo doortay Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo Federaalka, iyadoo sidoo kale la doortay shan guddoomiye ku-xigeen iyo xoghayeyaal oo hoostagaya Guddoomiyeyaasha la doortay.

Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha guddiyada maanta la doortay ayaa Warbaahinta Qaranka u sharxay waxbaaha u qorsheysan iyo sidii loo xoojin lahaa isla xisaabtan dhex mara guddiyada iyo hay;adaha kale ee ay ka dhexeyso wada shaqeynta.

13-kii bishan ayay ahayd markii mudanayaasha ay iska dhex doorteen ilaa iyo saddex guddoomiye, kuwaasi oo loo doortay inay qabtaan xilalka Guddiyada Kheyraadka dabiiciga, Xuquuqul Insaanka iyo Guddiga Beeraha,

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo guddiga abaaraha ku wareejiyay kaalmo lacag ah

Next Post

Arimaha looga hadlay shirkii maanta-Sawirro

Next Post
Arimaha looga hadlay shirkii maanta-Sawirro

Arimaha looga hadlay shirkii maanta-Sawirro

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In